Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Qaybti 22-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore .. Geesigi Cabdulaahi Ibnu Unays EE Nabigu Siiyey Ushi U Janada Ku Tukubi- Lahaa

Sunday - May 17, 2020



Qisada aan soo qaadanayno maanta waxay tahay qiso aad u cajiiba oo u baahan in in badan la dul istaago oo lagu cibro qaato, qisadan waxay ku saabsan-tahay saxaabigii Cabdilaahi ibnu Unays oo Nabigii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H) uu siiyey UL uu ku tukubayo Jannada dhexdeeda, MaashAllah.

Sanadkii 3-aad ee hijrada waxa dhacay dagaalkii Uxud oo Muslimiinta iyo Gaaladii Qureesheed ay isku galeen buurta Uxud sokodeeda .. waxaanu dagaalkaas ku dhamaaday Muslimiinta oo laga dilay 70 saxaabi. Arrintaas oo ay gaaladii Qureesh u arkaysay guul wayn oo usoo hooyatay, kadibna Carabtii kale ee ku noolaa Jaziirada Carabta ayaaba hunguri ka galay magaalada Madiina oo waxayba abaabuleen duulaano ka dhan ah dawlada islaamka ee Madiina.

Dadkaas dagaalada guubaabinayey waxa kamid ahaa nin Gaal ahaa oo la oran jiray Khaalid ibnu Sufyaan oo ka mid ahaa qabiilkii reer Hudayl, ninkani wuxuu doonay inuu dagaal ku qaado Madiina oo ciidan ayuu urursaday waxaanu ku diyaargaroobay deegaan Waadi Nakhli oo Makkah u dhaw.

Nabigii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H) wuxuu lahaa ilo iyo sirdoono u adeega, waxaana markiiba loo sheegay halista ninkaas ku yahay Muslimiinta iyo inuu damacsan-yahay inuu ku soo duulo Madiina sidoo kalena uu dilo Nabi Muxamed (N.N.K.H). Markuu Nabigu hubsaday duulaanka ninkaas ayuu saxaabadiisa la hadlay oo yiri: Yaa ninkaas inaga maareeynaya?.. Saxaabiga Cabdilaahi ibnu Unays ayaa Yiri: Rasuulkii Ilaahayoow, ninkaas Gaalka ah warkiisa aniga igu daa.

Cabdilaahi waa diyaar garoobay waxaanu Nabiga waydiiyey astaamaha iyo sifooyinka ninkaas lagu garanayo, wuxuuna Nabigu u tilmaamay inuu ninkaas yahay nin madax u ah qabiilkiisa ayna qabato jiri-rico marku maqlo magaca islaamka

CAbdilaahi waa soo safray wuxuuna yimid deegaankii ninkaas joogay, markaasu dadkii reer baadiyaha ahaa waydiiyey waa kuma ninka la dhaho Khaalid ibnu Sufyaan? Kadibna reer baadiyihii ayaa u tilmaamay meesha uu Khaalid joogay isaga iyo ciidankiisii.

Cabdilaahi wuxuu soo dhex galay xaruntii ciidanka Khaalid kolkaasu u tagay oo ku yiri: Waxaan ahay nin Carab ah waxaanan maqlay inaad duulaan ku qaadayso Muxamed waxaanan jeclaystay inaan ciidankaaga ku biiro oo aan la jirkaaga dagalamo! Ninkii waa soo dhoweeyey waxaanu u sheegay hadafkiisa ah inuu rabo inuu baab’iyo dawlada islaamka.

Cabdilaahi ibnu Unays wuxuu yiri: Ninkan Gaalka ah waan ku marnaa oo haduu midig u baxo ama bidix u baxo waan la ijiray, xitaa salaadii Casar markii la gaadhay ayaan taagnaanta ku tukaday anigoo madaxayga foorarinaya oo ishaaraya Rukuucdii iyo Sujuudii.

Habeenkii kolkii la gaaray ayuu ninkii carraabay aniguna waana la caraabay oo wuxuu Yiri: niyahaw maxaad igaga marantahay? wuxuuu yiri: waxaan ahay nin gabayada tiriya waxaana xifdisanahay gabaydii Carabtii hore waxaanan sidoo kalena maqlay inaad tahay abwaan curiya maansooyinka ee waxaan jeclaaday inaan kula caweeyo oo aynu isu gabayo tirino, ninkii Khaalid ahaa waa soo dhoweeyey maadaama uu gabayada carabiga xiisayn-jiray.

kadibna saxaabigii Cabdilaahi wuxuu dilay Gaalkii Khaalid ibnu Sufyaan ee damacsanaa inuu dilo Nabi Muxamed (N.N.K.H), waxaanu kasoo baxsaday xaruntii ciidanka ee gaalkii dhintay, subxaanAllah.

Cabdilaahi wuxuu yimid magaalada Madiina kolkaasuu la kulmay Nabi Muxamed (N.N.K.H) waxaanu Nabigu yiri: Wajigaagu liibaan, war khaye leh sheeg. Cabdilaahi wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahayow, waa la khaarijiyey gaalkii Khaalid, kadibna Nabiga ayaa kaxeeyey oo guriga galiyey soona siiyey UL!!

Cabdilaahi ushii ayuu la soo baxay waxaanu la kulmay saxaabadii Rasuulka waxayna ku dhaheen: Cabdilaahi-yoow, waa maxay Ushani? wuxuu yiri: Nabigaa isiiyey, mana garanaya sababta!! Waxay dhaheen: Ku laabo Nabiga oo waydii sababta aad iisiisay Usha tan, kadibna Cabdilaahi Nabigii ayuu u galay oo waydiiyey arrinta Ushan, wuxuuna dhahay: Waa calaamad aniga iyo adiga inoo dhaxaysa maalinta qayaame!! Riwaayo kale waxay tilmaamaysaa inuu dhahay: waxaad ku dul tukubaysaa Jannada Rabbiga Raxmaanka ah ee iska leh naxariista guud iyo naxariista gaarka ah.

Cabdilaahi Ilaahay raali haka ahaadee waxa la sheegaa inuu ushii aanay gacantiisa ka bixin ee haduu fariisto, jiifsado ama uu lugeeyo way ag ooli jirtay. SubxaanAllah, xitaa markuu geeriyooday ayuu ku dardaarmay in lala aaso Usha oo lagula duugo iilka xabaashiisa, isla markuu geeriyoodayna waa lala aasay ushii oo xabaashiisa ayaa lala dhigay, waxaana lala soo saarayaa maalinta qayaame oo wuxuu ku dul tukubayaa Jannada Rabbiga Raxmaanka ah.

MaashAllah, waa qiso cajiib oo ina tusinaysa geesinimada iyo naftii hurihii Islmaaka Cabdilaahi ibu Unays Ilaahay raali haka ahaadee.