Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Hambalyo Ciid Mubaarak .. Kula-Caam Wa Antum Bi Kheyr

Saturday - May 23, 2020



Waxaa Mahad leh Allaha inoo sahlay in aan markale hambalyada Ciida barakaysan ee Ramadaan u soo tebino dhammaan akhristayaasha Galdogob Times.

Waxaan idiin ku hambalyaynaynaa Cibaadada Suuban, waxaan idiin Rajaynaynaa Nabad, Barwaaqo iyo Baraare .. Allah Cibaabada Suuban dhammaanteen ha inaga aqbalo, Sido kale Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu ka dhigo dhul Nabad ah .. Soomaalida Allah Niyadooda ha isu-wanaajiyo, isla markaa Dunida oo dhanna waxaan u Rajayneyna Nabad waarta.

Waxaa bahda Godog Times si gaara ugu Mahad-naqaya dhammaan Akhristayaasha noo soo diray hambalyada Ciida barakaysan, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas la mida.

Allah Sannadkan kiisa kale Nabad iyo Barwaaqo ha inaku gaarsiiyo, iyo nabad caam ku noqota dunida, insha Allah .. Mar-labaad Hambalyada Ciida naga guddooma .. Kulu Caam wa-antum Bikheyr. CIID MUBAARAK

Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-Lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-Lilahill Xamdu.

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq