Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Nin Soo Joog Laga Waayo Soo Jiif Baa Laga Helaaye .. General Khalifa Xaftar Ee Loo Taag Waayey Kaadi Seyrkiisa Oo Kaba La'aan Dhaqaaqay

Sunday - May 24, 2020



Dowladda QM ay taageerto ee Libya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay degmooyin cusub oo ku yaalla koofnurta magaalada Tripoli ka qabsadeen ciidamada dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar.

Qabsashada cusub ayaa sii wiiqeysa rajada ciidanka Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya .. Siqitaanka ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa dhameystiraysa toddobaad musiibo u ahaa ciidamada dagaal-oogaha, oo horey looga qabsaday saldhigga kaliya ee ay kaga sugnaayeen galbeedka Libya, sidoo kalena lumiyey gacan ku haynta dhowr magaalo.

Afhayeen u hadlay dowladda, Mustafa al-Mujie ayaa sheegay in ciidamada ay qabsadeen xiro militari iyo xaafadda Salahudin, ayna kusii siqayaan degmooyinka Mashrou iyo Ain Zara.

Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya .. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa khamiistii sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga.
Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.