Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Xuuraan Iyo Faaqidaad .. Farmaajo Aduunki Baa Karbaashaya Markay Ka Waayeen Jid Gala iyo Mid Ka Baxa

Tuesday - May 26, 2020



Warar xigasha ah oo naga soo gaaraya gudo iyo dibad, ayaa sheegaya in beesha Caalamka ay waayahaan dambe si gaara Dab ku shidayso Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo gabi ahaanba inta dhagaha laga fureystay ay ka goysay dhaqaalihi loo siin jiray Hay'adaha dawlada, isla markaana ay muddo u qabteen inu doorashada waqtigeeda ku qabto, mana jirto ayey ku yiraahdeen muddo kordhis wax la yiraahdo, haddi kale ay hawsha iyagu la wareegi-doonaan wixii lagu gaaro biisha June .. Taa darteed waxa la sheegaya in dawladi xaga dhaqaalaha ay la'dahay meel ay la cuskato iyadoo meel walba xaga dhaqaalaha amase dakhliga-ba jiq tahay oo wey isku dhalaashay meel wax laga soo qabtana ma jirto .. Oo xita Dawlada Qadar xageeda waa sida la leeyahaye waxaa ka jira Saluug ay ka qabaan siyaasada aan fadhin ee Farmaajo oo wixii Lacag Kaashka ahaa waa ka joojiyeen .. waxaa kalo igu maqaala Run iyo Been key tahaba in Fahad Yaasiin oo shaqo fiican u haya Qadar ay ku yiraahdeen kan socon-maaye ee mid kale qar iska tuura noo soo malmaluuq aan kaala shaqeyne, mase la ii Raacin Haa iyo Maya ku ku jawaabay
  
Dhinaca kale sida lala socdo dadkuna sheegayaan maanta dalkeeni Somaliya waa Qasan-yahay, sharcigi nooc-kasta u yahay lagu dhaqmo ma jiro, kala dambeyn mooyi goor ugu dambeysay, balse meel Somali maanta u foyow maba jirto .. Wixii hawlo loo igmaday Maxamed Farmaajo inu ka soo baxo waakaas oo ku hafanaya arimihi gudaha iyo dibada oo u maareeyn la'yahay, balse waxa kaliya ee u darani waa sidi u Kursiga waqti kordhis ugu sii haysan-lahaa oo wixii lumaaya iyo wixii dhimanaaya midna dani kama hayso oo sheekadiisa dhan waxay ku soo aruurtay xukun Qarqoosh, taaso mugdi weyn galisay horamarki iyo midnimadi Somaliya .. Waxaa wax laga naxo ah in Dadka qaarkiis la gashan-karo fikrado liita oo aan ku saleysnaan-karin Danta guud, balse Shacab wuxuu khaldami-kara mar iyo labo, laakiin ma aha in uu weligiis iyo alihi dex dabaasho ee waa inu ogaada halku Salaadu ka xirmi la'dahay .. guud ahaan shacabka waa diidan yahay waqti kordhiska iyo masiirkooda halka lala maraayo waxayna soo dhaweynayaan in Mr. Kuduudshe dalkaan iyo Dadkaan markoole dhinac u dhaafo

Dadka Aqoonta fiican u leh Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxay ku tilmaamaan Shakhsi aan waji fur-furan lahayen tuhun badan oo wax walba ka shakiya .. Noloshiisana intu yaraa iyo weynaan-tiisaba Qof saaxiib ah weligiis ma yeelan .. Si kasta oo loogu hiiliyo ma laha dhaqan u ku abaal celiyo .. dhaqankiisa shaqo waa camal Kaduudshe yacni caajislow aan u adkeysan karin shaqo xariirsan, isla markaana aan dadka hadalka deeqsiin-karin oo waji-yadooda waajihi-karin, sido kale ma ahan nin xaga maskaxda wax ka curiya .. 24 saac joogto waa iska dhirfsan-yahay mana garaneysid wuxuu ka careysan-yahay .. waxaa kalo la leeyahay ma jecla dadka waayo-araga ama aqoonta leh oo nooc maseyr-nimo ayaa ku jirta ., Nin arkay ama la soo sheekeystay ama la shaqeeyey oo weli wax yarba ha ahaate wanaag ka sheegaya lama carbaabin .. Xaga fuleynimada darteed marku maqlo jugta yeertay waa kan ka hor booda inta kale  .. Waa nooc iska ciil-qaba, oo ciil qabe wax ma hogaansho ciidana kuma noqdo .. Sidaa daraadeed dalki iyo Umaddi oo dhan wuxuu qaadsiyey xanuunkiisi Kaduud-shaha, cudurkaaso u diiday in Somaliya xag horumar dhana u nuux-nuuxsan weyday oo joog iyo jiif nabad iyo nolol ka dheeraaday .. Maxamed Farmaajo iyo ninka dhabarka ku sita ee Fahad maanta wax ay hayaan ama sameyn-karaan ma jiraan aan ka ahayen Kabash-kabash ay ku doonayaan muddo kororsi oo qura.
                                               
                         Tifaf-tiraha Galdogob Times .. M. A. Hashi