Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Erdogaan Oo Geesinimo Isla Taagay .. Falastiin Waxba Laga Reebi Maayo .. Carab Hadal La'aan Dabadey Ruxeysa Sidi Rii Orgooneysa

Wednesday - May 27, 2020


Madaxweyne Erdogaan oo u dabaal degaaya munaasabadda Ciiddul Fidriga ayaa si kulul fariintiisi muuqaal oga hadlay Qadiyada Falastin oo yiri Ma ogolaan-doono in dhulka Falastiin cid kale la siiyo,

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ku celiyo oo wacad ku maro in magaaladda Qudus, oo meel barakeysan u ah Sedax diimood, ahna qibladeenii ugu horeysay ay khad Cas u tahay dunida Muslimka ah,” ayuu yiri Erdogan .. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa ay caddahay in dunidu ku guul darreysatay in ay soo saarto Cadaalad, Nabad, Amni iyo kala dambeyn.”

Sido kale wuxuu yiri “Todobaadkii la soo dhaafay waxaan marqaati ka ahayn dhul qabsi iyo dhul goosi cusub, taasi oo aan tixgelineyn Madax-banaanida Falastiin iyo xeerka caalamiga ah ayna fulineyso Israel.”
Israel waxa ay sheegtay in ay goosan-doonto qaybo ka mid ah Daanta Galbeed 1-da July, sida ay ku heshiiyeen Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo Benny Gant oo madax ka ah xisbiga Blue and White.

Qorshahaas waxa laga cambaareeyay dunida dhan, gaar ahanna Turkiga, ayada oo dalalka Carabta badankood ay ka aamuseen .. Daanta Galbeed oo ay ku jiro bariga Qudus waxaa loo arkaa dhul la qabsaday markii loo eego sharciga caalamiga ah, taasi oo degenaanshaha Yahuuda ee hadda iyo dhul goosiga qorsheysanba ka dhigeysa sharci darro.