Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Caafimaadka Kelyaha .. Waxyaabaha Burburiya Kelyaha Iyo Sida Looga Hortago

Sunday - May 31, 2020



Maalmo ka hor waxaan Baraha bulshada ku arkay Somaali badan oo dhaqtar u jiifa kelyo xanun ama kelyihii inay faristeen amase shaqadi ay hayeen gabeen .. kuwaaso gargaar loo raadinaayo ama caawinaad, hadaba anigo tix raacaya qoraalo aan ka soo xigtay Takhaatir ku takhasuustay cilmiga Kelyaha ayaa ka digtay 6 Qodob oo khatar u noqon-lara Kelyaha, waana fariin Muhim ah oo ay tahay in la isu gudbiyo:

1- In laga daaho Musqusha (Suuliga) : wax badan oo aad kaadi-haysta ku haysato kaadi badan ayaa sababi-karta qatar badan .. ka soomaali ahaan caado ayeyba ino tahay inan kaadida ceshano mudo badan weliba taas waxaa u badan dumarka xishood dartiis kaadida ceshada

Hadaba ogow hadii kaadi-haysta ku raagto Kaadi badan ay sababi-karto in Bakteeriyadda si dhaqsi ah ugu taranto kaadi-haysta, taaso sababi karta in Tubooyinka Kaadida dib ugu celiyaan , infekshan-na ka dhalan-karo, ogowse Kaadi waa sunta la so sifeeyey (Filtareeyey) loguna talagalay in jirka laga saaro .

2- Cunida Cusbo badan : Yareyso cunida cusbada badan hana cunin wax ka badan 5.8 Gram cusbo ah Maalintii amaase cuntada ha ku darsan cusbo, oo waxaad istcmaali-kaeta liinta

3- Cunida Hilib badan : Cunida cuno barotiin ku badan yahay waxay wax-yeeleysaa/sababta khatarta xanuunada kelyaha , waayo cuntada Barotiinka leh marka la dheef-shiido waxay so deysaa maadada AMMONIA taaso sun ku ah kelyaha .. Hadi ay badan tahay hilib cunidaada khatar badan ayad ugu jirta keliyo xanunka .

4- Cabidda Biyo yar: Kelyahena waa in ay ahaadan kuwa aad u joogteeya fuuq-celinta si ay u joogteyso shaqadeeda , biyaha badan waxay ka caawiyaan in qulqulka dhiiga u kordho taaso sunta jirka ku jirta sahleyso in si dhaqsi leh loo saaro .

5- Caffeine - waa isku jirka cabitaanada fudud (Sodas & soft drinks) waayo waxay kordhiyaan cadaadiska dhiiga kelyaha-na waxay bilaabayaan in ay dagaalamaan , Marka jooji xadiga badan ee cabida kookada maalinkasta .

6- Daaweynta oo laga daaho : iska daawey xanunada cafimaad o dhan si jirkaaga fiyow qaab caafimaad u daremo