Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dhurwaa Hilib Cunkiisi Yiri Caanaha Ka Jeclahay .. Kheyre Oo Afarti Taayir Ee Farmaajo Bila Neef Ka Dhigay .. Cidla Ku Banjariyey

Monday - June 1, 2020



Xukuumadda Somali ee Xasan Cali Kheyre madaxa ka yahay ayaa war ka soo saartay shirka guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu ay bilaabeyso hirgalinta doorashada dalka, taas oo ku dhacda waqtigeeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay shirka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim "Xaliimo Yareey" oo ka qeyb gashay shirkaas ayaa sheegtay in guddigeedu diyaariyey tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay si loo hirgeliyo doorasahada dalka la filayo inay ka bilaabato dabayaaqada sanadkan.

Kulanka ayaa looga dooday baahida deg degga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqa muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan.

Wasaarradaha Amniga, Maaliyadda iyo arrimaha Gudaha ayaa iyaguna soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shirkii golaha wasiirrada Khamiistii lasoo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hor taalla xilligan ay tahay hirgelinta doorashada dalka oo waqtigeeda ku dhacda.