Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dhulki Inkaar Qaba Jin Baa Daasad U Tuma .. Xisbiga Tigray-ga Oo Ku Adkeystay Mawqifkooda Doorashada Kuna Gacan-Seyray Hanjabaadi Abiy Axmed

Tuesday - June 2, 2020



Xisbiga Tigrayga Itoobiya ee TPLF ayaa ku adkeystay go’aankooda ah inay qabtaan doorashooyin, ayaga oo ku gacan seeray diginin iyo hanjabaad kaga timid ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Bayaan kasoo baxay TPLF ayaa lagu diiday dib u dhigista ay dowladda ku sameysay doorashooyinka ayada loo adeegsanayo fasiraad lagu sameynayo dastuurka.

Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Abiy Ahmed uu hoggaamiyo ee Prosperity Party inuu galay dmabiyo waa weyn, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulay madax-banaanida iyo danaha amniga qaranka ee dalka, jebinta dastuurka, iyo dagaal ku qaadista kuwa la jira dastuurka, sida TPLF.

“Xisbiga Prosperity Party wuxuu sidoo kale halis gelinayaa amniga dalka isaga oo adeegsanaya akhbaaraad been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

TPLF ayaa sidoo kale dhaliishay muuqaal laga baahiyey warbahainta dowladda 28-kii May, oo aheyd sanad-guuradii 29-aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada TPLF ay galeen magaalada Addis Ababa kadib dagaal 17 sano socday oo ay la galeen taliskii Derg ee Mengistu Haile Mariam.

Muuqaalladan ayaa muujiyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed intii ay xukunka hayeen TPLF .. TPLF ayaa baahinta muuqalladan ku macneysay “ku baaqista xasuuq” iyo isku day lacag loogu iibsanayo awoodda.

TPLF ayaa ugu ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka inay doorashada ku qabtaan waqtigeeda, si waafaqsan dastuurka, haddii ay taas dhici weysana uu gobolka Tigray sii wadi doono u diyaar garowga qabashada doorashooyinka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu inkirayo xuquuqda dadka ay u leeyihiin inay iskood isku maamulaan iyo inuu qaadayo dagaal ka dhan ah gobollada .. Xafiiska Abiy weli kama jawaabin eedeymaha cusub iyo go’aanka TPLF.