Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

"Geed Ciinka" Dhib Mooyee Dheef Lagama Helo Oo Waa Bilaa Faa'iido .. Xildhibaan Sacdiyo Salaad: Farmaajo Waa Inu Na Daaya

Saturday - June 6, 2020




Muqdish- Xildhibaan Sacdiyo Salaad oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ka mid aheyd xildhibaanadii maanta dhaliilay khudbadii Madaxweynaha oo warbaahinta la hadashay ayaa baaq u dirtay dadka reer Muqdisho.

Ugu horeyn Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in xarunta Jeneraal Kaahiye oo markii hore lagu balansanaa in lagu qabto xafladda furitaanka kalfadhiga 7aad, looga baqay in Al-Shabaab ay hoobiye ku soo garaacaan, taas oo sida ay sheegtay cadeyneysa fashilka xukuumadan.

Waxa ay sheegtay in Madaxweynuhu uusan xataa ka tacsiyadeyn dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee maalmo ka hor la xasuuqay, isla markaana uu la soo hor istaagay hadallo ay ku tilmaantay khiyaali, sidaasna ay u dhageysan waayeen iyaga oo ka badan 60 xildhibaan.

“Maanta cid kale la hadli maayo waxaan baaq u jeedinayaa reer Muqdisho, waxaa ogtihiin Mareykanka waxaa lagu dilay hal nin oo madow ah, sideed beri ayuuna mudaharaad ka socdaa, Soomaaliyana sideed dhakhtar ayaa maalin la dilay asaguna ka hadlin, idinkaa masuul ka ah in dadkiina la baabi’iyo, anagu waan hadalnaa waxa naloo maqli la’yahay awooda waxa heystaa waa reer Muqdisho” ayey tiri Xildhibaan Sacdiya.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sidoo kale sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu been ka sheegayo oo Muqdisho uusan jecleyn, iyadoo sheegtay in ciidankii la rabay in amniga Muqdisho ay sugaan uu Jubbaland ku weeraray.

“Waxaan idin leeyahay reer Muqdishow Farmaajo maanta waxa uu awoodi waayey dhakhaatiirtii la laayey Allaha u naxariisto, anigu ma qabo in Farmaajo lagu sii fiirsado dalka, marka kaca reer Muqdishow oo iska xureeya Farmaajo wuu fashilmaye, haddii Muqdisho looma ooyaan tahay, waa in gobollada loo cid diro, si loo helo dad Muqdisho xoreeya oo difaaca” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Sacdiya.