Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Doorashada Somaliya Xage Ka Qurun-santahay .. Caga-Baruur Farmaajo Muxuu Ku Meereysanaya .. Mucaarad Magac U Yaal Iyo Xulafadisa Ee Wax Wada Walaaqda Maxay Raban

Monday - June 8, 2020



Madaxweyne Mxamed Farmaajo wuxuu raba in  la fuliyo sharciga doorashada ee uu baarlamaanku ansaxiyay Disember 28, 2019, oo u isagu saxiixay biishi Febraayo 20, 2020, Xilli uu ka qeyb galayay munaasabaddii xiritaanka kal-fadhigii 6-aad ee Golaha Shacabka. .. Sharcigaa waxu hoosta ka xariiqayaa in Axsaab lagu tartamo, shacabku uu doorto baarlamaanka .. baarlamaankuna uu doorto Madaxweynaha. Intaasi waa war cad. 

Laakiin beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada Somali waxay qabaan in hadalka Farmaajo ee dorashada in Axsaabtu ku tartanto ay tahay wado sax ah ee shacabku doonaayo, hasa ahaate ayey yiraahdeen waa hadal xaq ah oo lagu doonaayo baadil-nimo oo ay ka dheer-tahay daacadnimo, balse diyaarinta doorosho nocaan ah waxaa ka horeysa: Tababaro, Tira-koob iyo ID Aqoonsi, nabadgalyo iney jirto, iyo sharci u gaara oo doorashada lagu maamulo iyo wax la mida, taaso diyaarinteeda qaadan karta waqtii ugu yaraan Sanad illa laba Sano Iyo ka badan. .. Koleyba aragtida guud waxaa la qabaa in qorshaha Farmaajo ee dibu dhaca ah u ku saleysan-yahay inu si qarda-jeex ah kursiga ku sii haysto .. kordhin iyo wax la mida.

Dhinaca Mucaaradku waxay rabaan in mar kale loo noqdo habkii soo jireenka ahaa ee ka soo curtay Shirkii Carte, 2000 ee hadba tilaabbo hor leh qaadayay laakin ku salaysnaa in Oday-dhaqameedku soo xulaan ergo kooban .. Ergaduna ay doorato Baarlamaan .. Baarlamaan-kuna uu doorto Madaxweyne.

Ma daama oo qorshahan uu mar waliba horumar yar sameynayay tookadaan qorshe ayaa Mucaaradka meel u yaal .. waxay leeyihiin Odayaashi ayaa loo laa-banayaa, waxay soo xulayaan Ergo ka kooban 101 xubnood oo u codaysa kursi kaste oo ka mida 329-ka kursi ee wadarta labada Aqal ee xeer-dejinta. (Wadarta guud waa 33,229 Ergay) .. In kasta aan la garaneyn sida ay u shaqeyneyso doorasho Nin Iyo Cod, haddana walaaca ugu weyn ee haya Mucaarad u yaalka waa shacabka oo codeeya, oo micnuhu yahay haddii shacab la aado oo habka doorashada la horumariyo amase si kale loo habeeyo, waannu harnay!

Fikraddaan Mucaaradku la ordaayo, waxa markedi hore keenay nin u dhashay dalka Kanada la yiraahdo Matt Bryden oo madax ka ahaa hay`ad loogu yeero Sahan Research, waxaase ninkaas Somaliya laga mamnuucay Disembar 17, 2018 ka dib markii DF ku eedeesay in ku hawlan-yahay hagar-daamooyin ka dhan ah danta qaranka, laakiin inkasto dalka laga eryay haddana weli wuxuu la shaqeysta siyaasiyiin Somali iyo waliba gaar ahaan maamulada gobolada qaarkood
 
Arintu si kastaba ha noqote, Hardanka ujeedada daahsoon ee mucaaradka iyo xulufada shisheeye oo isku dhinac ah iyo aragtida Madaxweyne Farmaajo ee sharciga doorashada ku qoran, ayaa ah bu'da doodda doorashada ee taagan .. Waxaa warbixintaan ka soo if baxeysa Tuducda oraneysa: Hadal Dhaaftaye Yaa Is Huba

Soo Booqayaasha Galdogob Times Waxaan U Sheegaya .. Kuwi xaalada aan ku jirno ee halkaa ina dhigay, dalka xaraashay iyo kuwi dalka u soo dusiyey ciidamo itoobiyaan ah, baa weli u soo Ooyaaya iney ay markale faraha nagu dhigaan .. oo marki Hilbihi la dhameeyey ay hadda isku haystaan dhiigi iyo dhecaanki oo ay leeyihiin Anaa Cabaaya iyo aniga ii daa markaan waa adigi hore uga soo go'ay sidi Gafanaha'e .. Ee akhristow kuwaan yaa bal u gar qaadi-doona dagaalka labadaas dhina dhex yaal ee ku qotanta Qanjiradi haray iyo cidii feenan lahayed.