Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wa Kaa Farmaajo Sanka Laga Tolay Oo La Diyaariyey Kawaanki Lagu Jar-Jari Lahaa .. Aqalka Sare Oo Magacaabay Gudiga Isu keenista Madaxda DF Iyo Dawlad Goboledyada

Friday - June 12, 2020



Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada, sida lagu sheegay qoraal goor-dhow kasoo baxay Aqalka Sare .. Taaso gudiga la faraayo iney si deg deg ah ay isugu yimaadaan inta ka horeysa 25-ka biisha Juun, 2020 oo ay ka soo qayb galaan dhamaan madaxda qaranka oo ugu horeeyo madaxweynaha, xukumada iyo madaxa dawlad gobolyada iyo gaar ahaan inta daneysa siyaasada

Sida cad qoraalka Aqalka Sare, guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

1 – Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
2 – Senator Cabdirisaaq Cusmaan Xasan (Jurile)
3 – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow
4 – Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac
5 – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
6 – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud
7 – Senator Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
8 – Senator Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)
9 – Senator Cabdulaahi Cabdi Garuun

Guddiga ayaa la sheegay inuu xilka hayn doono inta uu ka soo geba-geboobayo shirka wada-tashi ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2020/2021.

Magacaabistan ayaa timid maalmo kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi uu ugu baaqay madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada inay ka arrinsadaan arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa horey u diidanaa inuu la kulmo madax goboleedyada, si gaar ahna madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, mana cadda illaa iyo hadda wax iska beddelay mowqifkiisa.