Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Trump Boob Mooye Aan Wax Kale U Nooleyn .. Gabadha Mary Trump Oo Dooneysa Iney Kashifto Boobka Iyo Khiyaanooyinka Adeerkeed Donald Trump

Wednesday - June 17, 2020



Gabar uu adeer u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo iyadana lagu magacaabo Mary Trump ayaa laga dhawrayaa inay shaaca ka qaaddo Buug ay ka qortay adeerkeed oo ay ku sharaxeyso wax kasta oo ku saabsan isaga .. Haddaba waa tumaha iyada, maxayse tallaabadan u qaadday hadda?

28-ka bisha July, ayaa la filayaa in Mary Trump ay soo saarto buuggaas oo ay ku magacowday : Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu halista badan Adduunka .. Shirkadda wax daabacda ee lagu magacaabo Simon and Schuster ayaa Isniintii shaacisay arrintan.

Buuggan wuxuu Suuqyada soo gali-doonaa dhawr isbuuc uun ka hor xilliga uu dhacayo shirka qaran ee xisbiga Jamhuuriga, kaasoo gabadhan adeerkeed uu ku aqbali doono magacaabista ay xisbigiisa ugu xusheen inuu xilka madaxweynaha mar kale ugu tartamo doorashada dhaceysa bisha November ee sannadkan.

Qormooyinka buuggaas ayaa la sheegay inay ku sharaxeyso sida ay wargeyska New York Times ugu wareejisay warqado Sir u ahaa qoyska oo ku saabsan dhaqaalaha uu sameystay Mr Trump.

Wax-yaabaha cusub ee shaaca looga qaadi-doono buugaas waxaa ka mid ah xog ku saabsan eedeyn Trump loogu jeediyay inuu laaluush dhan $400m (£316m) ka qaatay shirkadda uu aabihiis lahaa ee ka shaqeysa dhismaha guryaha shacabka.

Bayaan ka soo baxay shirkadda Amason oo gacan ka geysatay soo saarista buuggaas ayaa sheegay in gabadha qoraaga ah ay dibadda soo dhigi-doonto sida uu Adeerkeed “ku noqday ninka hadda khatarta ku haya caafimaadka dunida, dhaqaalaha iyo ganacsiga bulshada”.

“Waxay sharixi-doontaa waxyaabo gaar ah oo ku saabsan sida uu qoyskeeda uga dhashay ninka hadda haya maamulka Aqalka Cad .. Waxyaabaha ay sheegi doontana waxaa ka mid ah xiriirka dhibaatada leh ee ka dhaxeeyay Fred Trump iyo labadiisa wiil ee waaweyn, oo kala ah Fred Jr and Donald,” ayaa lagu yiri bayaanka .. Donald Trump oo wiil yar ah (qofka ugu bidixeeya)iyo walaalihiis Fred, Elizabeth, Maryanne iyo Robert Donald Trump oo wiil yar ah (qofka ugu bidixeeya)iyo walaalihiis Fred, Elizabeth, Maryanne iyo Robert

Mary Trump ayaa arrimahan ka sheekeyn doonta iyadoo “iyadoo markhaatiga koowaad ka ahayd waxyaabihii dhacay” .. Buugga ayaa sidoo kale Trump ku eedeynaya inuu “ku jeesjeesay aabihiis” markii uu ku dhacay cudurka Alzheimer’s.

Mary Trump, oo hadda 55 jir ah, waa gabadha uu dhalay Fred Trump Jr, oo ah madaxweynaha walaalkiis ka weyn .. Fred Trump Jr, wuxuu geeriyooday sanadkii 1981-kii, xilligaas oo ay da’diisa ahayd 42 sano .. Inta badan waqtigii noloshiisa wuxuu dhibaato badan kala kulmay isticmaalka Maandooriyaha .. dhimashadiisa xilliga hore timidna waxaa sababay Wadne xanuun lala xiriiriyay maandooriyihii uu cabi jiray .. Madaxweyne Trump wuxuu geerida walaalkiis u soo qaataa dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha lala qabsado.