Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Waa Inaad Wax Ka Ogaato ..Kansarka Mindhicirka Iyo Malawadka

Friday - June 19, 2020




Kaansarta Mindhicirka iyo Malawadku waa kaansar ka bilaabanta Mindhicirka ama Malawadka. Waxay ka mid tahay sababa waaweyn ee geeri u keena Ragga iyo Haweenka, hadaba inkasta oo ay ka mid tahay noocyada kaansarta ugu suurto-galsan in laga hortago waxaa sanadkiiba cudurkaas caalamka u dhinta tiro gaareysa illa 500.000

Da'da. Inta ugu badan kaansarta Mindhicirka iyo Malawadku waxay ku dhacdaa dadka ka weyn 50 Sanno, waxana ay halistu kororta marka dadku sii gaboobaan

Badi kaansarada Mindhicirka iyo Malawadku waxay ka sameysmaan nooc gaar ah oo ah "Burooyin" ama ka-soo-baxyo jir .. Burooyinku ma aha kaansar, laakiin waxay isu rogi karaan kaansar mudo ka dib

Halista in la yeesho kaansarta Mindhicirka iyo Malawadka waxa la moodaa inay ku sii badan tahay dadka cuntadooda uu ku badan yahay dufan oo uu ku yar yahay duf/baal ama buushe

Burooyin, Mindhicir barar leh boog iyo cudurka caloosha bararsan (Crohn's disease). Cuduradaas mudo dheer ka dib waxay sababaan barar ku dhaca xuubka Mindhicirka. 

Dhinaca kale Isticmaalka Tubaakada ama Sigaarka, Cayilka iyo Jimicsi la'aanta .. intaas ayaa kordhin kara halista kaansarta Mindhicirka. isla markaa xubnaha qoyska ee yeeshay kansarta Mindhicirka iyo Malawadka, dhaxal ahaan wey saameyn-karta qof ka mida qoyska

Astaamaha soo socda ayaa laga yaabaa inay yihiin natiijada kaansarta Mindhicirka iyo Malawadka. Astaamaha ah digniin waxa ka mid noqon kara:

- Dhiig ku jira ama dul saaran saxarada (dhiig cas ama leh midab aad u madow)
saxaro ka dhuuban intii caadiga ahayd in mudo ah
- Xanuun ah marka kasta oo Saxaro timaado
- Calool-istaag ama shuban socda in ka badan hal bil
- Raaxo-daro guud oo ah caloosha (dibirid, dharganaan, maroojin, naqas xanuun leh) oo jira in mudo ah
dareen ah in calooshu si buuxda u faaruqin
- Lumid miisaan iyada oo aanay jirin sabab iyo Daal joogto ah iyo Matagid
Astaamahaas waxa kale oo sababi kara dhibaatooyin kale sida Boogo, Mindhicir Bararsan ama Babaasiir. Haddii aad yeelatid mid ka mid ah astaamahaas, u tag takhtarka daryeel ee caafimaad si loo ogaado sababta.

Kaansarta mindhicirka iyo malawadku waxay sida ugu fiican u daweysantaa marka goorta ugu horeysa ee suurtogal ah la ogaado ee la daweeyo. Waxa aad kaalin firfircoon ka qaadan kartaa oggaanshaha goor hore marka aad garatid goorta ay tahay in lagaa baaro kaansarta mindhicirka iyo malawadka.