Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waan-Waani Dhacantee Wadnahaan Far Ku Hayaa .. Puntland Oo Ka Hortimid Dhoodhoobka Iyo Beenta Hoosta Laga Walaaqaayo Ee Federaalku Ku Sawiraayo Arimaha Doorashada

Wednesday - June 24, 2020



Garoowe – Puntland ayaa qoraal ay kasoo saartay walaac uga muujisay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka waxaana ay ka degtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo dastuurkeeda uu u ogolaanayo, iyadoo mar kale ku celisay in qaadacday sharciga doorashada ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya saxiixay 20-kii Febraayo, kaasi oo ay sheegtay inuusan waafaqsanayn dastuurka dalka.

Qoraalka ayaa xusay in Dawlada Puntland ay ka walaacsan-tahay inaan la tix-gelin is-afgardkii lagu gaaray kulankii maqal-aragga ahaa (Zoom) ee ay yeesheen Madaxda Dawladda Federaalka iyo Madaxda Dawladaha Xubinta ka ah DF oo dhacay 22 Juun, 2020; kaasoo ahaa in la joojiyo doodda Golaha Shacabka ee la xariirta sharciga doorashada.

Sido kale Puntland ayaa ka digtay in Shuruucda waddanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka; iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiiranayo been-abuur iyo isdaba-marin sida ku cad warqadda Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Puntland ayaa sheegtay inay bogaadineyso dadaallada uu hormuudka u yahay Guddoonka Aqalka Sare ee DF, kaas oo ka shaqeeyey in Madaxda dowladda DF iyo Madaxda Dowladdaha xubinta ka ah DF ay isugu yimaadan shir wadatshi oo lagu Iafa-gurayo arrimaha doorashooyinka 2020/21.

Qoraalka ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay qaadato go’aan kasta oo uu u ogalaanayo dastuurkeedu, islamarkaasna ku xusnaa Go’aannadii ka soo baxay sharweynihii wada-tashaga Puntland ee 15 -17kii bishii Maarso 2020 ka dhacay magaalada Garowe, haddii ay adkaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wada-tashigooda loo ballanshan yahay, isla markaasna ay ka waantoobi waayaan madaxda Dowladda Federaalka maroorsiga talada ayaaha dalka iyo hareermaridda Dastuurka.