Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Corruption In America .. Wasaarada Maaliyada Mareykanka Oo Gargaar Dhan 1.4 Bilyan Doollar Oo Xoogaa Farha Kaga Xantoobsaday

Friday - June 26, 2020


Hay'adda hanti dhowrka ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay ogaatay in lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollar ay wasaaaradda maaliyadda ee dalkaas si khaldan ugu dirtay dad mar hore dhintay.

Lacagtan oo qeyb ka ahayd taageerada dhaqaale ee ay dowladda siiso shacabka Mareykanka ee uu saameeyay Corona ayaa guddiga hanti dhowrka waxaa kale oo ay sheegeen in ay arkeen dhowr khalad oo ay ku ogaadeen dib u eegis lagu sameeyay gargaarka Corona.

Tan iyo bishii Maarso ee sanadkan, aqalka Kongreska ee Mareykanka ayaa lacag dhan 2.6 Tiriliyan oo doollar ku kordhiyay dhaqaalaha Mareykanka, taas oo qeyb ka ah dedaalada looga gaashaamanayo waxyeelada dhaqaale ee uu keenay feyraska cudurka Corona, maadaama dad badan ay shaqo la'aan ku dhacday, ganacsiyo badanna ay xirmeen.

Haseyeeshee deg-degga lagu bixiyay lacagahaas ayaa la sheegay in uu khaladaad ka dhashay, waxaana taas ay keentay in dhaqaale loo qoondeeyo dad dhintay iyadoo aanan la eegin liiska dadka dhintay, walow saraakiil ka tirsan hay'adda canshuuraha ee Mareykanka ay walaac ka muujiyeen khaladaad ka dhalan kara dhaqaalahaas sida degdega ah lagu bixiyay.

Lacagahan ayaa lagu soo warramayaa in loo ansixiyay dad mar hore dhintay, kuna jira liiska dowladda, waxaana dowladda lagu eedeeyay in aanay eegin macluumaadka dadka la siinayo lacagahaas.

"Tirada lacgaha ammaahda ee la ansixiyay, sida degdeg ah ee loo ansixiyay iyo tallaabooyinka yar ee lagu xaqiijinayo ansixintooda, waxaa jirta khatar ah in ay wax is-daba marin dhacday, taas oo ah in codsiyo lacago khaldan la meel mariyay," ayaa lagu sheegay warbixintii ay soo saartay hay'adda hanti dhowrka Mareykanka.

Waxaan la ogeyn in lacagahaas ay la baxeen dadkii ehelka la ahaa dadkii dhintay iyo in ay wali ku jiraan akoonada bangiyada. Hay'ddda ayaa sidoo kale sheegtay in ka hortagga arrintaas ay tahay mid muhiim ah .. Warbixintan ayaa timid xilli hay'adaha sharci dejinta Mareykanka ay ka doodayaan in la kordhiyo taageerada dhaqaale ee la siinayo dadka shaqo la'aanta.