Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ninki Heesaaga Gawracay Ee Dhuuniga Qaatay .. Bambadi Kacdoonka Oromada Oo Biinka Laga Furay .. Oromada Is Dhaga-Martay Oo Jihaad Birta U Afeysatay .. Adis-Ababa Waa La Isku Haleelay

Tuesday - June 30, 2020



ADDIS ABABA:  Dhallinyaro ka carreysan dilka fanaan caan ah ayaa gubay taayaro intii ay socdeen dibad-baxyo xooggan oo maanta ka dhacay caasimadda Itoobiya ee Addis-Ababa, kaasi oo carradooda ay ku muujinayaan qowmiyadda uu kasoo jeedo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Oromada.

Madaxa booliska Addis Ababa Getu Argaw ayaa shalay war-baahinta dowladda u sheegay in heesaaga Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah la toogtay 9:30 PM. Waxaa la xiray dad lagu tuhmayo dilka, sida uu sheegay.

Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayaro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan.

Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga .. Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa farriin uu soo dhigay twitter-ka uga tacsiyeeyey dilka, wuxuuna ballan-qaaday baaritaan isaga oo shacabkana weydiistay inay is-dejiyaan.

Heesaa Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018.

"Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale ..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada, laakiin mar dambe la xiray