Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Maamulka Tigreyga Itobiya Oo Ku Hanjabay Iney Ka Go'ayaan Itoobiya .. Maxay Isku Hayaan PM Abiy Axmed Iyo Maamulka Tigreegga

Sunday - July 5, 2020




Khilaaf ka dhashay dib u dhigista doorashada guud ee dalka Itoobiya, waxay uga sii dartay xiisadda u dhaxeysa dowlad deeganaka Tigreyga iyo dowladda federaalka ee Itoobiya uu hogaamiya Ra’iisal wasaare Aby Axmed.

Maamulka deeganaka Tigreyga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, ayna iska indha tiri doonaan go’aanka federaalka iyo guddiga doorashooyinka oo dib u dhigay doorashada guud oo ay ahayd inay dhacdo bisha Agoost ee sanadkan. Hase-yeeshee arrintaas ma aanay suurtagelin oo waxaa saameeyay xanuunka Corona .. Horaantii bishii Juun, aqalka sare ee Itoobiya ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay muddo xileedka ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Taas waxay keentay in afhayeenka Keria Ibraahim oo xil sare ka heysa xisbiga TPLF ee Tigreyga ay iska casisho xilka, iyadoona Abiy ku tilmaamtay “kaligii taliye”.

Xisbiga talada haya ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado TPLF, waxa uu na walaac ka muujiyay hab-dhaqanka mamauulka deeganka oo uu sheegay in taas ay gooni u fuquuqeyso dadka shacabka ee ku nool deegaanka Tigree.

Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya “in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag”.

“Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,” sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF.

Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay “mussiibo noqon doonta”