Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qar Iska Xoor Jeneral Xaftar Ku Qabso Lagu Shaqaaleeyey Oo Kabo Aanu Lahayen Doonaaya Inu Gashado .. Liibiya Iyo Turkey Oo Bur-buriyay Gantaalihii ugu dambeeyay Ee Difaaca Ruushka

Tuesday - July 7, 2020






ILo Militari oo ka tirsan ciidamada Liibiya ayaa ku waramay in la burburiyay nidaamka difaaca cirka kaasoo uu Ruushka sameeyay, balse ay adeegsanayeen maleeyshiyaadka Khalifa Xaftar ee ku sugan magaalada Sokna.
Wararka ayaa intaas ku daraya sida uu ku waramayo kanaalka Al-Ahrar ee Liibiya laga leeyahay in nidaamkaasi uu burburay kadib markii lala beegsaday weeraro iyo duqeymo dhanka cirka ah iyada oo aan faahfaahin kale oo dheeraad ah laga bixinin.

Arinkaan ayaa imaanayo ayadoo Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga Liibiya Korneyl Salah Al-Namruush uu maalintii Isniinta sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday saldhigga Al-Watiya uu dib u furi-doono xaaladii dagaal ee lagu jiray isagoo carabka ku adkeeyay in ciidamada xoogga Liibiya ay diyaar u yihiin la dagaalanka iyo xoreynta magaalooyinka Sirta iyo Al-Jafra waqtiga ku habboon.

Tan ayaa waxay jawaab u tahay kadib markii Ruushka dhawaan burburiyeen nadaamka difaaca Saldhiga Milatari ee Al-Watiya ayadoona Turkiga iyo Liibiya ku hanjabeen in ay jawaab ka bixin doonaan sidoo kalana marnaba aysan hakin doonin qorshah Liibiya looga sifeynaayo Maleeshiyaadka Xaftar iyo Burcada garabka siisaba.