Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dumarka Oo Lagu Xadgudbo Waa Dambi Weyn Oo Aan La Aqbali-karin .. Haweyney Oo Ninkeedi Hinaasay Sanka Ka Jaray

Wednesday - August 5, 2020


Tacaddiga ka dhanka ah dumarka ayaa ah mid aad ugu badan dalka Afghanistan .. daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 87% boqolkiiba haweenka dalkaas ay la kulmaan dhibaato ay kala kulmaan Ragga, haddii ay ahaan lahayd mid xadgudub galmo iyo kuwa kaleba.

Wax-yaabaha ugu daran waa weerarrada loo adeegsado Aashitada ama Mindiyaha ee dumarka lagula kaco. Waxaana tusaale u ah gabadha Zakra oo Seygeeda uu Mindi Sanka kaga jaray .. Dhaawaca Zarka hadda waa uu roonyahay, waxayn Zarka ku faraxday in ay dib u heshay sankeedi kadib marki takhaatirti u sameysay qalin dib loogu kabay .. laakiin gabadhu muddo 10 asbuuc ayey ku jirtay argagax

Haweyneyda Zarka ayaa tiri: Ninkeyga wuxuu ka shakisanaa qof-walba, taaso u markasta ii garaaco, isla markaana ay caadi ii noqotay oo maalin walba in la i dilo .. wuxuu kalo igu eedeya in aanan ahayn qof dhowran,anniguna waxaan ku dhahaa waxaas waxba kam jiraan

Haweyneyda Zarka oo la guursaday Toban Sano ka hor ayaa hadda waxay heysataa Wiil lix Sano jir ah. Haweeneydan ayaa sida ay sheegtay la qabsatay garaaca seygeeda balse marnaba kuma aysan fikirin in ay heerkaas gaari-doonto .. waxay sheegtay in Seygeeda ay isku da’yihiin. Waa xoolo raac ilaaliya dadka kale xoola-hooda.

Waxaa xaaladeeda la tacaalay Takhaatiir, kuwaas oo ku sameeyay qalliin qaatay saddex saacadood. Waxay sheegtay in kahor inta aanan qalliinka lagu sameynin uu sankeeda ahaa mid aan muuqaal wanaagsaneyn.

Dr Zalmai Khan Ahmadzai, oo ka mid ah Takhaatiirta fara ku-tiriska ee sameeyay qalliinada dib loogu hagaajiyo wajiga ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan yahay dedaalka uu sameeyay iyo dib usoo kabashada sanka Zakra.

“Qaliinkii aan ku sameynay waa uu hagaagay, mana jirin wax infekshan ah oo ay boogta qaaday, xoogaa waxaa jiray in ay xanuun balse wax dhib ah ma ayan lahayn,” ayuu yiri Takhtarka.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay ayuu dhakhtarka sheegay in uu la tacaalay kiisas oo kan Zakra lamid ah, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen Dumar wajiga ay ka garaafeeyeen walaaladoo ama raggooda.

Zarka waxay ka soo jeedaa qoys danyar ah oo dega deegaanka Khairkot oo qiyaastii 250 kilomitir u jirta caasimadda Kabul. Ma ahan qof wax bartay oo wax akhrin kara ama qori kara.

Deegaanka ay reerkeedu degan yihiin waxaa gacanta ku haya kooxda Taliban. Wadahadal dhexmaray siyaasiyiin maxali ah iyo kooxda Taliban ayaa keentay in loo soo safriyo magaalada Kabul, maadaama kooxda aysan oggoleyn qallin lagu sameeyo wajiga.

Xilliga qalliinka lagu sameynayay, Dr Zalmai waxaa xanuunka corona ugu geeriyootay xaaskisa, markii uu soo aasayna waxaa uu dib ugu soo laabtay shaqada, si uu u sameeyo qalliinka.