Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Trump Nafti Qaarka Dambe Ayey Kaga Jirta Ee Meydkiisa Dhan Isaga Riixa .. ILhaan Cumar Oo Gir-Girka Seefta Laba Galeyda Ah Ku Xaabisay Maafiyadi Trump U Soo Adeegsaday

Wednesday - August 12, 2020




Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa gaartay guul aad u weyn, kadib markii ay markale ku guuleysatay kursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiilada dalkaasi.

Ilhaan ayaa kursigan tartan adag kula gashay illaa afar musharrax oo uu ka mid ahaa Antone Melton-Meaux, kuwaas oo dhamaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.
Taageerayaasha Ilhaan Cumar ayaa markale xushay, kadib doorasho ay ka gashay xisbigeeda dhexdiisa, waxaana ay difaacatay kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaaro doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November ee sanadkaan

Guusheeda kadib Ilhaan Cumar ayaa dabaal degtay, waxaana barteeda Twitterka ay ku shaacisay in iyada iyo taageerayaasheeduba ay ka guuleysteen lacag ay sheegtay in la abaabulay, si meesha looga saaro.

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korortay.” ayey tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Afartii sano ee la soo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha Trump.