Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Gudoonkeeda Caalamkaa Amaanay .. Qareen Aamina Maxamed Oo Ku Socota Iney Hogaamiso Ururka Caalamiga Ee WTO

Saturday - August 22, 2020



Agaasimihii Guud Roberto Azevedo ee ahaa madaxa Ururuka Ganacsiga Aduunka WTO oo la doortay sanadki 2013 una dhashay Brasiil ayaa si lama filaana marku u adkeysan waayey weerarka dawladaha waaweyn ee Reer galbeedka ayuu shaqadiisii uga tegaya August 31, 2020 .. Ku xigeenkiisi ayaa hadda si ku meel gaara u si haya ururkaas

Sanadkaan qaarada Afrika waxaa u tartamaya 3 diblomaasiyiin oo aan kala dhicin. Afrika weligeed ma helin fursad ay ku hoggaamiso WTO, inkastoo qaaradaha kale ay soo qabteen jaggadaas.

Soo magacaabista musharraxiinta ayaa bilaawday June 8dii waxuuna ku ekaa July 8, 2020, sidaa-daraadeed Siddeed musharrax oo wada leh aqoon iyo khibrado cajiib ah ayaa u tartamaya, kana socda Britain, Kenya, Konfurta Kuuriya, Masar, Mesiko, Moldova, Nigeria, iyo Boqortooyada Sacuudiga.

July 15dii ilaa 17dii ayaa mid mid loo dhegeystay aragtida musharrixiinta ee ku aaddan dib u hagaajinta hawlaha hay’adda. Hannaanka xulashada oo qaadan doona dhowr marxaladood ayaa laga yaabaa inuu gaaro 2021, haddii lagu heshiin waayo.

Musharraxa ku guuleysta waxaa laga doonayo inuu si wadajir ah u hanto kalsoonida 164 wadan oo xubinta ka ah ururka .. Madaxa cusubi waa inuu soo nooleeyaa wadahadalladii ganacsiga ee hakadka galay hirgeliyaana dibu-habeyn si uu u hoggaamiyo hay’ad aad u muhiim ah xilli dunida ay soo wajahayso caqabado aad u adag xiisadaha ganacsiga caalamkana ay ka sii darayaan.

Wejigii 1-aad ee kala xulashada lama baadi-goobayn cidda leh tayada ugu sarreysa ee ku habboon hoggaaminta hay’adda, balse waxaa la raadinayay sidii loo reebi lahaa murashaxa aan soo jiidan karin taageero loo dhan yahay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in musharixiintii Moldova iyo Sacuudiga ay u muuqdeen kuwo aan ka gudbi doonin wareegga hore (Bloomberg News 20/07/2020). Diblomaasiyiin goobjoog ahaa ayaa sheegaya in laga yaabo inuu Midowga Yurub la xulafoobi doono Afrika oo mustaqbalka ganacsigeedu aad muhiim ugu yahay Beijing iyo Washington.

Khubarada ganacsiga ayaa rumaysan in xiriirka cadaawadeed ee u dhexeeya Beijing iyo Washington uu saameyn ku yeelan doono tartanka. Waxaa laga yaabaa musharixiinta taageero ka hela mid inuu wajihi doono diidmada qayaxan ee midka kale.

Haddaba haddii la tixgeliyo taas, waxaa laga yaabaan in musharaxa Britain (UK) oo ahaa Xoghayihii Ganacsiga Caalamiga ee Brexit inuu Midowga Yurub iyo Shiinaha u cuntami doonin. Waxaa xaalladdaas oo kale wajihi-doono midka Koonfur Kuuriya oo dalkiisa tan iyo dagaalkii 2aad uu xafiiltan (rivalry) kala dhexeeyay Jabaan.

Sidoo kale, musharraxa Mesiko (Mexico) oo ka caawiyay Maraykanka, Kanada iyo Mesiko gorgortankii heshiiskii ganacsiga ee dhexmaray ayaa la tuhunsan yahay inuu heli doonin raalli-nimada Shiinaha.

Walow aan la ogeyn dhanka ay u dhici doonto natiijada, haddana saadaasha ayaa u eg in mid ka mid ah musharraxiinta Afrika uu ku soo bixi-doono jaggada.

Musharrixiinta Kenya iyo Nigeria ayaan u muuqan kuwo si sahlan loo loodin karo, inkastoo musharaxa Masaarida uu khibrad u leeyahay gorgortanka ganacsiga adduunka, guddiga xulushadana uu ka hor sheegay inuu yahay, “musharaxa keliya ee Midowga Afrika isku raacsan tahay.”

Afrika weligeed horey uguma heshiin musharrax qur ah ee WTO. Balse xog ay soo tebisay Reuters ayaa sheegaysa in sanadkaan taageero ballaaran ay dunida u muujinayso musharrax Afrikaan ah oo weliba haween ah (Reuters 22/06/2020).

War saxaafadda ay qortay ayaa sheegaya in Midowga Afrika uu beeniyay isku raacaansanaanta musharrax gaar ah. Shirkii guddiga Wasiirrada ee mudeysnaa July 2-deedii, 10-keedii, iyo 15 keediiba ayaa qabsoomi waayay duruufo ka baxsan awoodda ururka .

Haddaba aynu isweydiinnee maxay tahay tayada hablaha murrashaxiinta u ah Afrika ee ay dunida la dhacsan tahay?

Waxaa la rumaysan yahay in ka qayb-galka hablaha maskaxdooda furfuran tahay ay sare u qaaday rajada laga qabo in hay’adda ay markii ugu horreysay taariikhda doorato haweeney weliba Afrikaan ah maadaama midkoodna uusan weligeed madax uga soo noqon.

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo laba jeer horrey u soo qabatay xilka Wasiirka Maaliyadda ee dalka Nigeria kana qalan-jibisay jaamacadaha Harvard iyo MIT oo la xushmeeyo ayaa leh xirfad iyo khibrad culus. Waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ah in gorgortankii ay la gashay Paris Club uu dalkeeda ku helay deyn cafis dhan 18 bilyan doolar.

Dhinaca kale, Qareen Amina Maxamed ayaa ah Wasiirka Ciyaaraha dalka Kenya horreyna u soo qabatay xilalka Arrimaha Dibedda iyo Tacliinta .. Sanadkii 2015 waxay guddoomisay Golaha Guud ee WTO, Sidoo kale waxay madax ka noqotay xallinta khilaafaadka iyo dibu eegista nidaamka ganacsiga ururka .. Aamino waxaa lagu amaanaa inay gacan ka gaysatay gorgortankii adeegsiga teknolojiyadda iyo dawooyinka guud (Generic drugs) ee waddamada saboolka ah iyadoon waxyeello loo geysan xuquuqa milkiilaha (Intellectual property rights).

Waxaa la rumeysan yahay in waayo aragnimadeedda “hoggaaminta istraatiijiga ah iyo wada xiriirka wax ku oolka ah” ay wax ka tari karto walwalka ganacsiga caalamka ee taagan. Balse Amina oo sanadkii 2013 kula tartantay jagada Agaasimaha Guud 8 musharrax ayaa eedaysay in Kenya la gaari wayday isfaham Ghana oo tartanka kula jirtay.

Waxaannu sugnaaba waa cidda ku soo bixi doonto September 7, 2020 wareegga 2aad oo ah mid siyaasadeed iyo sida Kenya iyo Nigeria xal ugu heli doonaan halista iscurjintooda. Waxaa xaqiiqa ah in Amina ay haysato taageerada Geeska Afrika oo ay dunida isha ku hayso la ganacsigeeda.