Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Saciid Deni Oo Qaatay Amar Dhakada Laga Saaray .. Puntland Oo Ka Qayb-galeysa Shir Lagu Madali-doono Mogdisho

Sunday - August 23, 2020



Garoowe -Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirada Puntland ay maanta ku yesheen Garoowe ayaa lagu go’aamiyay in Puntland ay ka qaybgasho shir afraad oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho, kaaso ay wadan olalihiisa qayb kamid ah beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Kullan deg deg ah oo golaha wasiirada loogu yeeray inay kasoo qeybgalaan kana dhacay Garowe ayaa saxaafadda loogu sheegay arrimaha lagu gaaray ee looga hadlay wax ka duwan, iyadoo kulanka uu ahaa tashi iyo go’aanka ay ka qaadanayaan shirka Muqdisho la filaayo inuu ka dhaco dhawaan.

Golaha wasiirada ayaa isla gartay ka qeybgalka shirkaasi, iyadoo ay isla ogolaadeen in ajandahooda shirkaasi isla meel dhigay.

Beesha caallamka ayaa culeys dhinacyo kala duwan ku saareysay Puntland iyo Jubbaland, waxaana sidoo kale la filayaa in Jubbaland ay shirkaasi iyadana ka qeybgeli doonto.

Shirkaan ayaa waxaa qaban qaabadiisa ay soo shaacbaxday kadib baaqyadii kala duwanaa ee Beesha caalamka u jeedinayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay go’aanadii shirkii sadexaad ee Dhuusamareeb.