Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Amiir Maxamed Salmaan Oo Afka Iyo Sanka Ka Xirtay Pakistan Sidi Qof Qaba Covid-19 .. Bakistaan Iyo Sacuudiga Oo Kal Tag Ku Kala Faataxeystay

Monday - August 24, 2020



Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii Pakistan kaga cabatay ururka midnimadda islaamka in Boqortooyada Sucuudigu af-duubtay arrinta gobolka kashmira oo aanu ka qaadan doorkii kaga aadanaa .. Arrintaas oo sucuudigu kaga jawaabay in uu ka noqday heshiiskii daynta lacageed iyo saliideed ee uu kula jirey Pakistan, isla markaana ka dalbaday Pakistan in ay soo celiso Hal Bilyan oo dayna oo ay ku lahayd taasoo Pakistaana kaga jawaabtay in ay halkii Bilyan farta ka saarto .

Dhinaca kale, Pakistan ayaa Wiigan u dirtay wadanka Sucuudigga Taliyaha Guud e e ciidamadda Pakistan Qamar Javed Balwa, kaasoo miisaan wayn ku leh wadanka Pakistan hasa-yeeshee dhaxal sugaha wadanka Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan wuu diiday in uu la kulmo Janaraalkaa Pakistan, sidoo kale waxay dawladdu Sucuudigu sheegtay in ay joojisay Maal-gelin ay ku samayn lahayd dhismaha dekedda Gwadar Port oo ah deked Istaraaji ah oo ku taala gacanka Cumaan .

Hadaba maalintii shalay ahayd Pakistan iyadoo ka jawaabaysa talaabooyinkaa is daba-jooga ah ee ka yimi Sucuudigga ayaa wasiirka arrimaha debedda ee Pakistan Shah Mohomed Qurayshi ayaa booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Shiinaha , waxaanay kulan ku yeesheen dhigiisa jasiiradda loo dalxiis taggo ee Haynaan .

Kulankaa dhex maray labada dhinac ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay arrimo muhiima oo ay ka mid yihiin 60 Bilyan oo shiinuhu geliyo dekedaha Pakistan iyo Hal Bilyan dayna oo ah lacag cadaana iyo arrimo badan oo kale oo labda wadan quseeya .

Geesta kale , wadamda Turkeyga ,Iran ,Maleeshiya iyo Pakistan ayaa laggu wadaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan heshiis iskaashi oo ah dhinacyadda amniga , milateriga iyo dhaqaalaha , is xulifaysigaas oo saamayn wayn ku yeelan doona mandaqadda bariga dhexe iyo dunidda islaamka guud ahaan .. la soco aduunka.