Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hogaamiyaasha Jubaland Iyo Puntland Oo Heshiiski Talo Isku Koobka Dhuusamareeb Sara-jooga Ku Gawracay .. Qodobada Ay Codsadeen In La Badalo

Tuesday - August 25, 2020


Warar aan ka xiganay Rag siyaasiyiin ah oo ka ag-dhaw madasha shirka ka dhaceyso ee Garoowe ayaa sheegaya in labada hogaamiye waa Axmed Madobe iyo Deni-e ay si qoto dheer ku lafa gureen qodobadi dhawaanta laga soo saaray shirki talo isku koobka ee dhuusamareeb.

Labada Madaxweyne oo wax iska weydiiyey xaalada qodobada doorashada ayaa arkay in qodobada la malmaluuqay ee horyaala aysan ahayen kuwa xali u noqon-kra doorashada, isla-markaana fulin-tooda la isku haleyn-karin marnaba, waxay kalo sheegeen ineysan waxba ka jirin muuqaalka qodobaa qaarkood kuwaaso kadib marki ay rog-rogeen waxay arkeen qodobo marka indhaha ku tusan aad si u arkeysid laakiin ka fog xaqiiqada oo aan shuqul ku lahayen aragtida ee u muuqata sida dhalanteedka la moodo biyaha iyo hooskiisa .. Ugu dambeyna waxay isla meel dhigeen in qodobada qaarkood wax laga badalo oo ay u soo jeediyeen sidaan :

1- In laga saaro qodobka doorshada xisbi lagu galaayo lagan dhigo ergokaliya
2- In Guddiga Xalimo Yarey meesha laga aaro lana magacaabo guddi doorasho heer maamul goboleed iyo heer fedaraal oo lagu heshiiyo.
3- In Ergada laga dhigo 101 ergo, ayna soo xulaan Oday dhaqmeedyada kaligood
4- In la baabi'yo kuraasta la is raacinaayo
5- In Magaaloyinka ay doorashadu ka dhaceyso ay go'aamiyaan Maamul goboleedyada, lguna faagalin