Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ragi Xaska Dabada Galin-jiray Ee Loogu Heesi Jiray Markay Higtu Yeerto Buuraha U Yaaca .. Qoor-Qoor, Gareen Iyo Waare Oo Markaan Taageeray Go'aankii Garoowe

Thursday - August 27, 2020




Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hir-shabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shirkii magaalada Garowe ugu soo gaba-gaboobay madaxweynayaasha Puntland Iyo Jubbaland.

War-saxaafadeedkan ayey seddaxda madaxweyne ku taageereen shirkii Garowe ka dhacay ee u dhaxeeyey Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxayna qoraalkooda ku soo koobeen shan qodob oo kala ah.

1 –Madaxweynayaashu waxay soo dhaweynayaan shirkii wadatashiga ee Puntland iyo Jubbaland ee ka dhacay Garowe 25-kii illaa 26-kii bishan, waxayna bogaadinayaan inay labada dowladood ogolaadeen inay taladooda ku soo biiriyaan habsami u socodkii iyo go’aanadii shirkii Dhuusamareeb-3.

2 –Madaxdu waxay soo dhaweynayaan shir ay yeeshaan dowladda federaalka iyo labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland, si loo dhameeyo wixii is faham darro ah ee jira, si loo ambaqaado u diyaar-garow doorasho ku dhacda waqtigeeda.

3 –Hir-shabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed waxay diyaar u yihiin inay ku biiritaan fekradahooda iyo dadaalkooda juhdi kasta oo lagu gaarayo is faham taam ah iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

4 –Madaxdu waxay uga mahad celinayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed taageerada iyo dhiiragelinta ay la garab taaganyihiin madaxdooda, si xal waara loogu helo arrimaha taagan.

5 –Madaxdu waxay uga mahad celinayaan xubnaha beesha caalamka ka taageeridda umadda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, arrimaha bulshada iyo horumarka.