Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 21 October 2020

Aqoon Xumidu Waa Ardaalnimo .. Sheeko Dhex Martay Aqoon-yahan Somali Iyo Nin Digtoor Reer Jabaan Ah

Saturday - August 29, 2020



Waxaa mar sheeko dhex-martay Nin Somali digtoor ah iyo Nin reer Jabaan aqoon leh oo labadaba Jaamacd ka wada shaqeynaayey .. Ninki Somaliga wuxuu weydiiyey ninki reer jabaanka ahaa oo ku yiri: War Niyahow dadkiina reer jabaan waa dad caqli badan oo umadaha kale ka hormarsan ee falsafada ka dambeysa maxay tahay? .. 

Ninki Jabanka ahaa oo si aayara u dhoola-cadeynaya ayaa yiri: Anagu Shucuub-tayada reer jabaan 10-kii Qofba mid ayaa ku jira caqli lagu dugaalo leh, Sagaalka kalana waa aragti gaaban-yihiin , sidaa daraadedd waxaa noo xeera in midkaas caqliga haybada leh ayaan hawsha u dhibana oo madax ka dhignaa iyado 9-ka kalana aan ku jiheyno iney Ninkaas la shaqeyaan, oo waa sidaas waxa aad ugu maleyseen inaan dadka ka caqli badanahay .. Hasa ahaate adinka Somalida dhibkiina waxaa weeye 10-kiiba Sagaal ka mida waa caqli badan-yihiin oo mid kaliya baa ka ah Caqli-laawe, dabadeedna kaas Caqli-gaabka ah oo ay dhici-karto inu sidi xayawaanka u halabsanaayo ayaad wax u dhibataan oo tiraahdaan wax hogaami, Sagaalki kale oo caqli lagu hirto lahaydna waxaad u dirtaan iney Ninkaas la shaqeeyaan taaso idin keenta in marka dambe ay ka dhalato kurbo iyo hafasho shaqo.

Ninki Somaliga oo bulsha somali sheekada uga waramaya ayaa yiri Qofki iga dambeyow murtidaan qaado waa dhaxale oo qaran iyo nin jecleysi aqoon-daran kala duwa oo haysku hoos qarinina

hits Hits : 1353