Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Haddi Aad Wanaag ku Daasho Daalku Waa Tagaya Wanaaguna Waa Haraya .. Shirka Ka Dhici-doona Villa Somaliya Oo Sir Hoose Dabin La Isu Xiro Iyo Tab Dhexaad La Isku Qabsan-doono

Sunday - September 6, 2020



Inta Hadal Duulo Haad Ma Duusho .. Xogo aan ka xiganay rag iyagu jabiya siraha qufulan jooga mogdisho ee la socda siyaasada is jiid jiidka ka dhaxeysa Villa Somaliya iyo Saciid Dani Iyo Axmad Madoobe oo dhinac ah, ayaa noo sheegay in mid walba uu la socdo waxa kan kale ku jira uurkiisa shar iyo kheyr-ba key tahay-ba, iyagoo labada dhinacba ay ku shaqeynayaan in dabin laysaga boodo si mid kasta hadafkiisu u meel maro .. haddana guudka baa laga wada socdaa

Maxamed Farmaajo isagu marki horaba hadafkiisa guud ma ahayen in dalka doorasho ka dhacdo, balse qorshahiisa illa sadex sano wuxuu ku suntanaa in xilka u hayo waqti dheeri ah loogu daro isagoo markaas adeegsanaya gudoomiyaha baarlamaanka, XalimaYarey iyo maamulada Candho-dawlad qaarkood ee horay iyo daba-toona lahayen ee calooshooda un ka fekera .. Farmaajo wuxuna iska dhaadhiciey in qorshihiisa ay dhaaban-tahay oo cid ku soo dhaceysa aysan jiri-doonin, laakiin farsamo xumidi qorshihiisa ma yeelan gudoon wacan oo sidu bilawgi wax u maareeyey ayaa ahayed mid aan si fiican looga fekerin, balse caadifad laab-lakac iyo waayo arag la'aan ku dhisneyd oo wey isla rogtay

Maxamed Farmaajo, oo aan wax ka baran qaladki shalay isla markaana ileyn meeli u cadahay meel ka madoodahay, wixii u damacsanaa marku arkay iney shaqeyn weyday ayuu haddana ku dhaqaaqay dagaal u ku jeheyey Puntland iyo Jubaland iyo isagi oo baarlamaanki wax la waday sax iyo qalad key tahayba geeri go'an ku furay kagaga daadiyey rarki meel lama-degaan ah, taaso keentay inu labada Gacmood laba-dible isaga xiray "Handcuff" Lugahana isaga xiray xarig siriq ah oo aan lahayen Af iyo Daba-toona. 

Madaxweyne Farmaajo oo Arinta ay ka dhabaqsan-tahay awgeed waa isagaa oo maal-mahaan hoosta soo gashaday Axmad Madoobe Iyo Saciid Dani oo aan wax naxariis ah u hayn, dabeeto kuwaaso shaqadooda noqotay iney mogdisho gudaheeda ay Farmaajo warbaahinta ka dhallee-ceyaan nacsiyaan Umadda oo yiraahdeen: Farmaajo Qaran Ma Hogaamin-karo oo sheekadiisu waa kiis iska waal ee Reer Mogdishow xeesha la idin dhigay kaalintini waad gabteen oo xaqa aad leedihiin ma xaraf baa lagu bixiya waa lala soo baxaaye .. bahasha waa loo dhintaaye ee inta gor-goor tahay ceebtiina astura oo Hawiyow waxyaabo laga xishoodo iyo laaluush baad ku xaragoo-taane.
 
Shirka illa todbaad-kaan ka dhici-doona xarunta Villa Somaliya waxaa la odorosaya in la isula imaan-doono xarig ay qolaba gees ka soo gunaday iyo calool weecsan, waana nasiibki kii markaas seefta lala helo ..  Sida la odorosaayo Farmaajo wuxuu la imaan-doona qorshahaan: inu doorashada soo hormariyo oo ay dhacdo biisha soo socota ee Oktoobar 2020 .. In qaab xisbiyo lagu galo doorashada .. Guddoomiyaha Doorashada Xalimo Yarey shaqadeeda loo daayo, laakiin talada guud ay la wadaagaan maamulada gobolada .. iyo ugu dambeys in ciidamada jooga Gedo laga soo qaado, isla markaana gudoomiyaasha hadda jooga gobolka Gedo ay si toosa ula shaqeyaan maamulka Axmad Madoobe, kuwaaso mogdisho lagu kulansiinaayo axamed Madoobe

Dhinaca kale Saciid Dani Iyo Axmed Madoobe iyagu waxay leeyihiin:
Xalimo Yarey ma ogolin haddi aan yeelnana waa iney kaliya hawsheeda ku Ekaato kormeerka guud ee doorashada oo aysan faragalin doorashada .. in la joojiyo xildhibaanka degaanka lagu wareejinaayo .. Tirada dadka xildhibaanka dooraneysa tiradeeda waa ineysan ka badnaan 101- 151 qof.

Waxaa kalo warku intaa ku daraya oo la filaya in Qor-qoor oo isagu shacbiyadiisi dhulka gashay, isla markaana dhabarka ku haya Farmaajp u la yimaado sheekooyin Maseyr u kaga hor imaanayo Axmad Madoobe iyo Deni oo ujeedadiisu tahay ii arkaay markeyga inaan wax diidi-karo.

Sadex Rag waa ku heshiiya:
1-  Kaga Haray Rag Waa Ku Heshiiya .. Ku Hambeeyey Rag Waa Ku Heshiiya .. Ku Hureyna Rag Waa Ku Heshiiya