Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Beesha Caalamka Turub Siyaasadeed Ku Khamaareysa Oo Doorkaan Ku Hawlan Nin Diir Aan Hambeyn Iyo Ayax Ka Yaab Qaba Oo Madax U Noqda Arlada Somaliya .. Baashe Saar Rankii Seyr Oo Sangaha Baqal Dhaafsi

Monday - September 21, 2020



Inta Hadal Duulo Haad Ma Duusho .. Warar xaqiiqa ah oo laga soo xigtay diplomaasi shisheeye oo isagu xiriir la leh xarunta Xalane ee ah halka Qaaraanka aduunka loogu tala galay Somaliya lagu raamsado, ayaa laga soo xigtay warar u ku sheegay in dawlada badan ay si gaara u bilaabeen barnaamijyo madaxweyne raadis luuq qaloocan laga soo dusiyo, oo ay danahooda kaga fushadaan Somaliya, kuwaaso Miciyaha ugu laaban-yihiin sidi markaan ay talada Somaliya u saari-lahaayeen hogaamiye mar walba soo jeeda oo dooda shacabka celin-kara, isla markaana danaha reer galbeedka ila xad la Jaan qaadi-kara . 

Diplomaasigaas oo Digtoor somaaliyeed kula sheekeystay magalada Dubai ayaa isagoo su'aal la weydiiyey ka jawaabaya ayuu carabka ku dhuftay in dawladaha sida gaarka ah u raadinaaya madaxweyne la shaqeya ay ka mid yihiin Mareykanka, Abudabi, Turkiga, Qadar, Kenya, itoobiya iyo gaar ahaan dawlada Norwey .. Waa la kala shaqeysanayaa oo haddana qolo walba dhinceeda ayey ka baratameysa 

Diplomaasigaas ayaa intaa raaciyey oo yiri: inkasto dawladahaas sheekadoodu iyo ujeedooyin-koodu guud isku sumad tahay, koleyba mid walba oo ka mida wuxuu si gaara u raadinaya madaxweyne iyaga si gaara ugu dabran, oo danahooda mandiqada wax ka fuliya .. sido kale mar wax laga weydiiyey kaalinta u gali-karo madaxweynaha hada somaliya jooga Maxamed Farmaajo iyo haddu fursad kale leeyahay, wuxuu ku jawaabay: Markiisi hore waxaa taabsatay oo kool-koolintiisi iyo caleemo saarkiisa wax ka soo shaqlay Sirdoonka dawlada Qadar iyadoo Reer Galbeedkana fikirki ay ka siiyeen ay raali ka noqdeen, balse hadda Qadar-yiinta wey saluugeen shaqadiisi oo yiraahdeen: Farmaajo marki hore waan u han-weyneen oo waxaan moodeynay xaga siyaasada iyo kartida mid wax u kala socan-yihiin oo xaqiiqatan shacabkiisi baa xag kasta dhib ka haysta, laakiin waa run ayuu yiri iney Qadar markale rabaan ineyn mid kale soo shaqlaan oo ugu yaraan uga hiilin amase ka raacin is bahaysiga Sacuudiga iyo imaaraadka, laakiin markaan xaalku sidi hore waa ka duwan-yahay.

Diplomaasiga oo casho la qaatay aqoon-yahanka somaliga ah ayaa yiri: Hadda ka hor aniga iyo wafdi nooga yimi dhinaca Mareykaka oo xog-doon ahaa ayaan la kulanay Farmaajo, laakiin sidaan ka fileyney ma noqon oo waxaa shaki naga galay inu na fahmay iyo in kale, oo waxaa guud ahaan beesha caalamka  fadhigoodu yahay Xalane ay si xan ahaan ah u sheegaan in xil usan qaadi-karin lagula kufay .. Diplomaasiga wuxuu hoosta ka xariiqay in somaliya ay tahay dal barwaaqo la dihan oo taa awgeed lugta loogu walaaqayo

Waxaa la yiri Inta Barasho Ku Tarto Bahdaa Kuma Tarto .. Diplomasigaan warka laga xigtay oo la sheekeysanaayey aqoon-yahanka Soomaliga waxay Labadoodaba isku Sanad ka wada qalin jabiyeen jaamacad ku taal cariga Mareykanka oo la yiraahdo Georgtown University-Washinton DC