Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Iga Hoo .. Fahad Yaasiin Iyo Sir-doonka Qadar Oo Ku Heshiiyey Iney Awr-Kiraale Cusub Lagu Shaqeysto Ay Somalida U Soo Mal-maluuqaan .. Farmaajo Galbay Oo Ka Sii Socoy

Sunday - November 22, 2020



Cawdu Billooy Balooy Bayr .. Waxaa maal-mahaan la isla dhex maraya xog sheegeysa in Amiirada dawlada Qadar ee danaha gaarka ka leh Somaliya ay waayahaan dambaba candhuuf-tooda dib u liqeen iyagoo saluug ka qaaday sida madaxweyne Farmaajo u maareeynaayo arimaha gudaha Somaliya oo walaac badan bulshadu ka muujineyso .. Amiirada Qadar ayaa muddo ku wareersanaa hogaamin xumida iyo halka ay "Salaadu ka xirmi la'dahay" iyo iyagoo eegay sida Maxamed Farmaajo waxuu isku dayaba Bog-cadka iskaga rogeysa, isla markaana u dhuub Dun ah u gali-la'yahay, taaso keentay in Qadariyiinta maskaxdooda dib u rog-rogaan isla markaana farsamooyinki roorka ay marki hore ku soo saareen Maxamed Farmaajo ay markaan door bideen iney ku soo sharaxaan shakhsi cusub Nacamle ah wax loo yeeriyo mooye aan isagu maskaxdiisa wax ku sameyn-karin haddi kale wey iska hor-imaanayaan  

Sirtoodo baxday awgeed, waxaa la sheegay in Fahad Yaasiin oo ah Ninka ay ku xil qarsadaan Sir-doonka dawlada Qadar ay isla qaateen in farmaajo usan markaan duruufaha waqtigaan ka dhacaya saaxada siyaasada iyo eedaanka Ummadda somalida usan Farmaajo marna ka gadmeyn bulshada, oo taa daraadeedna labada dhinac waxay go'aan ku gaareen in Shakhsi aan ahayen Maxamed Farmaajo oo illa xad xushmada ku dhex leh bulshada ay markaan sharaxaadiisa soo mal-maluuqaan, lamana cadeyn shakhsiga ay wataan noociisa, balse waxaa la leeyahay shakhsigu waa qarsoodi ilaa laga gaarayo maalmaha doorashada, waxaase la saadaalinaya inu yahay qurba joog ka soo jeedo beelaha hawiye mid ka mida

Dhinaca kale waxaa warkaas la sii raacinaya in Madaxweyne Maxamed Farmaajo u lafa-ahaantiisa qorshahaas wax ka ogyahay, hasa ahaate lagula balamay inu wax kasta lugta ku walaaqo isago isu muujinaaya nin kursiga u waashay oo mar labaad tartamaya.