Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Qof kasta Waxa Uu Ku Hamiyo Marka Uu Ku Dadaalo Waa Gaaraa Xataa Haddii Aanu joogin Dalkiisa Oo Uu Addoon yahay .. Adoonki Seylada La Keenay Ee Boqorka Noqday

Monday - November 30, 2020



Waxaa jiri jiray Nin la adoonsado magaciisu ahaa Kafur .. Adoonkaas oo taagan sayladda lagu iibinayo isaga iyo addoon kale oo ay saaxiib ahaayeen, waxaa markaa goobta saylada ku sugnaa Xaakimki Masar iyo Suuriya oo dabacan doonaayey inu Adoon meesha ka iibsado .. Xaakimka oo magaciisa la oran jiray Muxamed bnu Tughi ayaa Labadi adoon midba markiisa su'aal weydiiyey .. Kii u horeeyey wuxuu weydiiyey waxa u ku fikiro, wuxuu ku jawaabay oo yiri: Waxaan ku fikiraa inaan Xabxabka ( Qaraha) oo aan jeclahay iibiyo, si aan uga dhergo oo mar walba aan u cuno .. Laakiin addoonka Kafur oo isna su'aashaas oo kale u weydiiyey ayaa ku jawaabay: Anigu waxaan ku fikira inaan xaakimka Masar noqdo.  

Xaakim Muhamad ibn Tughj oo loo yaqaanay maamulkiisa dawladi “Akhshiid” ee Cabaasiyiinta, markii uu iibsaday adoonka Kafuur wuxu siiyay tarbiyad wanaagsan, wuxu baray tababarka ciidanka iyo fardaha sida loogu dagaalamo waxaana uu  noqday halyay.

Xaakim Muhamad Ibn Tugh oo xukumaayey Masar sannadkii 923 illa 935, waxa uu addoonkiisa Kafur ka dhigay wasiir kadib markii u la tacajubay qorshihiisa, kartidiisa iyo maskaxadiisa sida ay u shaqeyneyso.

Haddaba Markii uu dhintay Xaakiimka Muxamad Ibn Tughi "Akhshayid" sannadkii 946 waxa xukunkii Dalka la wareegay addoonkiisa Kafur isagoo xukumayay muddo 23 sannadood ah, xilligaasi oo uu haystay laga soo bilaabo Masar ilaa iyo Suuriya, waxaana u noqday hoggaamiye aad loogu kalsoon yahaya oo balaariyay xukunkii dawladi "Akhshidiyinta" .. Adoonki Saaxiibkii oo isagana saylada nin ganacsada ah ka iibsaday sida taariikhdu qortay wuxu noqday isaguna Xab-xable

Xaakim Kafur wuxuu ahaa hogaamiye karti leh, asalkiisu wuxuu ahaa Adoon Madow oo Reer itoobiya ah waxa u dhintay sannadkii 968 .. Qof kasta waxa uu ku hamiyo marka uu ku dadaalo waa u gaaraa xataa haddii aanu joogin dalkiisa oo uu addoon yahay.