Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Afawakiga Marku Khamriga Biirka Cantuugo Waa Kan Dadkiisa Iyo Dalkiisa Shideeya .. Eritrea Dhiig Baa Qulqulaya

Wednesday - December 2, 2020



Saaka waxa jooga .. War soo dhacay oo faafaahintiisa iyo xogtiisa weli aan si fiican loo helin ayaa sheegaya in dalka Eretereya u waqti xaadirka ka socdo afgambi galaaftay meelo badan oo ka mida dalkaas, Sida la carbaabayo hawlgalkaas waxaa hogaaminaaya Jeneral ciil iyo caro ka qaaday kibirka Afawarki ku durkay ee u ku taageeray Abiy Axmed .. Jeneralkaas kacay ee horkacaya Gaasas duulaya iyo guutooyin xoog leh weli magaciisa si rasmi ah looma shaacin, balse la yiri wuxuu ahaa jeneralki waajibka looga dhigay inu ka dagaalamo Aaga Tigreyga.

Warka ayaa intaa raacinaaya in ciidamada afgambiga horkacaya ay ahaayeen ciidamadi ka dagaalamaayey fronta dhinac Tigreyga oo inta ay dib u soo laabteen ay qabsadeen xeryo milatari oo ku sugnaa agagaarka caasimada Asmara, halkaaso wixii askar ahaa oo halkaas joogay cagta mariyeen taaso keentay in ciidamadi Eretereya ay guud ahaan laba dhinac u kala jabaan oo noqdeen ku afgambiga taageeraya iyo kuwa weli dawlada aacad u ah .. illa iyo haddana war intaa ka baxsan lama soo sheegin, waxaase la warinaya in Ninka dalka u sareya Madaxweyne Afawarki filna-waa ka hor yimi