Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Naxdin Weynaa .. Madaxweyne Kim Jong Un Oo Macalin Ku Hor Gawracay Araday Badan

Tuesday - December 8, 2020



Kim Jong-un Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa booqasho kadis ah ku tagay School Dugsi sare ah oo ku yaalla mid ka mid ah Deegaanada Dalkaasi si uu ugu kuur galo Heerka Waxbarasho ee halkaas, waxaana si lama filaan ah uu ‘ula kulmay Macallim( Bare )oo kasoo dib dhacay Schoolka 7-Daqiiqo iyo 18 ilbiriqsi, Wuxuuna ku sigtay in Amar uu ku bixiyo in la Toogto

Hase ahaatee mid ka mid ah Kaaliyayaashiisa islamarkaana ah Sarkaal Milatary ayaa ku yiri "haddey tahay markiisii ugu horreysay waxaa ku filan Digniin Mudane, Madaxweynihii ayaana ku raacay soo jeedintaas, laakiin Wuxuu weydiiyay, ma markii ugu horreysay oo aad soo daahdaa? Macallinikii ayaa yiri: Haa si Naftiisa uu’u Badbaadiyo.

Sidoo kale wuxuu Isna weydiiyay Maamulihii” ma markii ugu horreysay uu soo daaho miyaa, Maamulihii ayaa yiri: Haa Mudane

Daqiiqado kadib waxaa dib loo baaray Camerro-da CCTV Schoolka waxaana cadaatay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee uu macalinku soo daaho .. Islamarkii ayaana Maamulihii iyo Macallin-kiiba lagu Toogtay hoolka Schoolka, Ardayda Hortooda, iyadoo loo Cuskanayo Khiyaano Qaran .. Kim Jong un ayaana qabsaday Makarafoonka si uu ula hadlo Ardayda, wuxuuna yiri: Waddankaan ma Xamilli karo Khaa’iniin, ee ka Waantooba, Macallinka iyo Schoolka waa kuwa soo saara Jiilal Ixtiraama, Nidaamka iyo Kala Dambeynta”