Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Magaca Itoobiya Waa Doqon Nasiib Leh .. Itoobiyada Awalba Faalsada Ahayed Waa Lagu Kala Dhaqaaqaya

Friday - December 11, 2020



Xadgudubki joogtada ahaa ee ay ciidammada hubaysan ee Tigreegu dhulkan Soomaalida ku hayn jireen, iyo caga-hooda nijaasta ah ee ay ciidda daahirka ah kula tumanayeen waa taariikh aan si fuduud loo ilaawi karin .. Facyo badan oo Soomaaliyeed oo inaga horeeyay ayay taariikhdu imtixaan soo marisay, inta badana waxay kaga soo gudbeen guul, haddii kale maanta ma aynaan ahaaneen ummad jirta .. Imtixaanki ay Tigreyga sanooyinki tagay na galisay kama adkeyn kamana fududa kuwii hore.

Qawmiyadda Tigreegu maanta wixii ka horey waxay addoonsan jirtay Tobanaan qawmiyadood oo qaarkood iyada aad uga tiro badan yihiin .. Qawmiyadahaas ma jirto wax ka dhexeeya aan ahayn in dusha lagaga wada tuuray magac faalso ah oo la yiraahdo ”Itoobiya”. Waa qawmiyado kala Dad ah, kala Diin ah, kala Af ah oo kala dhaqan ah .. Itoobiyadaas faalsada ah ee xoogga la isugu hayay daqiiqad kasta ayay kala daadan-doontaa laguna kala dhaqaaqi doonaa. Magaca ”Itoobiya” waa doqon
nasiib leh.
  
Haddaba Tigreegu mar haddi ay xaalad sidaas u nugul xoog iyo xaaraan kaga taliyeen, guri quraarad ahna ay ku jireen, waxay ahayd in ay ka dhawrsadaan fara-gelinta iyo fidnada ay ka dhex wadeen bulshada Soomaalida ee isku Aabbaha iyo Hooyada ah. Taas in ay yeelaan daaye waxay caado ka dhigteen, awoodda oo dhana saareen, soomaalida in ay isku baabbi’iyaan oo kala daadiyaan .. Tigreegu Soomaalida ayay ka il heleen , Iyaga oo qaar inaga mid ah oo ay taladu ka xumaatay iska soo horraysiin jiray.

Haddaba haddi maanta dagaalku uu gudaha Tigreyga ka dhacay dhulka burburayaana waa
dhulkooda. Taas darteed Tigreega ee edbdarada ku qaan-gaaray laga bilaabo xabadda waa in wadnaha lagala beegsadaa Taasna waa in looga shaqeeyaa si la mid ah sida ay Tigreegu uga shaqeeyeen burburinta soomaalida.