Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Talo Fara Ka Haaday Ee Qasantaye Maxaa Haray .. Musharaxiinta Oo Hub Iyo Ciidan Gurmad La Yimid Mogdisho

Thursday - December 24, 2020



Mogdisho- Warar xog-ogaal la xaqiijinaayo ayaa sheegaya in magaaladi mogdisha ay mareyso marxalad colaad adag oo halkaas Musharaxiinti U Tartameysa Madaxtinimada Dalka Somaliya ay inti horaanta bishaan-ba ay magalaada la cir-ciireysay ciidamo darban jaantaa rogan oo la sheegay iney difaaci-doonaan sugida amaanka musharaxiinta ..Wararka ayaa waxay kalo tilmaamayaan in ciidamadaas oo hub kala duwan ku gaashaaman ay tira ahaan gaarayaan illa Toban kun, kuwaaso ka kala yimi Degaanada Jawhar illa dhinaca shabeelada hoose, isla markaana difaac ay ka gali-doonaan degmooyinka ku xeeran aagaga Villa Somaliya .. sida la xansaday Ciidamadaas yoolkooda waxay weerari-doonaan Dekada, Airaborka iyo Dhismaha NISA iyo Gaar ahaan Madaxtooyada.  

Musharaxiinta oo ka baxay jawigi aamusnaanta oo maalmahaan abaabul dagaal hurinaaya, ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dhaca somaliya iyo gaar ahaan Mogdisho u masuul ka yahay Maxamed Farmaajo iyo waliba inta Af-minshaar-nimo degto iyo Awr kiraale Af-hayeen ah lagu shaqeysto ku xeeran ee u ka soo xushay beelaha qarkood .. Waxay yiraahdeen Maxamed Farmaajo ayaanti timaadaba wixiisu waa hadba dhinac kaga dhufo bal in ay un ku gasho kubada goolka, waase u la waayey, balse jar ayuu iska si laa-laadinaaya oo kolba meel isku qaadaya ee ha ogaado in Been iyo blah-balahba ay isa soo gabeen ee dhee-dheelka iyo caashaqa ha kala daayo .. Waxay yiraahdeen weynu naqaana Maxamed Farmajo sida ay maskaxdiisa u fekererso in haddi u heli karo dhulka ku goyin lahaa ama u Bada mogdisho ku dari-lahaa, laakiin falkisaas wuxuu ka liqi-waayey Mucaaradki oo habeen iyo maalin la socda dhaq-dhaqaaqiisa.