Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Sheeko Qosol Badan .. Sheeko Dhexmartay Wiil Iyo Aabihiis

Monday - December 28, 2020


Oday ayaa safar ku maqnaa, Wiil uu dhalay buu telefon u soo diray oo ku yiri: Eeraborka iga soo doon, dabadeed Odagi Markuu ka soo dagay Eeraboorka ayuu kula kulmay wiilkiisii yaraa oo sugaya, markaasuu weydiiyey aabihi si dhakhso ah 'See aheed noloshu intaan idin ka maqnaa, oo wax dhiba ma dhaceen amase idinku yimid? Wiilkiisii baa ugu jawaabay oo yiri 'Maya Aabbe wax walba waa dhag-dhag!!' isagoo hadalkiisi sii wato ayuu raaciyey oo yiri:  laakiin Aabe waxaan sidaa u weyneeyn baa dhacay, iskoobihii guriga lagu xaaqi jiray ayaa jabay .. Odagi ayaa ugu jawaabay isagoo ilka cadeynaaya oo yiri: Wax weyn ma aha laakiin maandhow see u jabay iskoobaha?' Wiilki yaraa baa ku jawaabay: 'Waa ogtahay aabbe maahoo markuu Sacu wax ku kufo oo ku dhaco inay jabayaan .. Odagi oo yaabban baa ku jawaabay 'Sacii ! maandhow ma waxaa u jeeddaa Saceennii qaaliga ahaa?' Wiilki baa ku jawaabay "Haa, Haa Sacoo la cararaya baqdin baa ku joogsatay iskoobbaha-Xaaqinka markaasay ku kor dhacday iskoobbihii saasuuna ku jajabay .. Odagi ayaa ku jawaabay 'Saciina, wax ma gaareen?' wiilkii baa ku jawaabay 'Waa bakhtiday' .. Odagi baa qeeylo qabsaday 'Dhimatay AAA .. Wiilkii baa yiri 'Haa Aabe, Waxay ka cararaysay Dab' .. Odagi baa yiri 'Dab aa!! Dabkee?'. Wiilkii baa ugu jawaabay 'Gurigeenii waa gubtay'. Odagi oo yaaban baa yiri 'Yaa .....!!!! Gurigeenni waa gubtay Aaa... oo See u gubtay gurigu?'. Wiilkii baa yiri 'Walaalkeey Allaha u naxariisatee'. Odagi baa ka soo dhex galay oo ka jaray hadalkii 'Walaalkaa ma dhintay?' Wiilkii baa yiri 'Haa .. Odagi baa yiri oo maxaa gubay Guriga

Wiilki baa yiri: Sigaarow ku cabaayey inta seexduu darintii ugaga dhacay, markaasuu gubtay gurigii walaal-kayna markaasuu ku dhintay guriga dhexdiisa' .. Odagi baa weydiiyey isagoo naxdin darteed derbiga cuskanaya .. 'Goormuu walaalkaa Sigaarka cabbi jiray?' Wiilkii baa yiri: 'Waxaw sigaarka u bartay si'uu u hilmaamo dhibtii intaad maqneed soo martay .. Odagi baa la soo booday 'Dhibtaasi maxay ahayd?' Wiilki baa ku jawaabay 'Wuxuu ka xumaaday geeridii hooyaday!!!'... Odagi yaaban oo indhaha taagaayo baa weydiiyey 'Habartaa maxaa ku dhacay?' Wiilki baa ku jawaabay 'Waa dhimatay.