Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Farmajo Wuxuu Bulshada Ku Khaawisiinaya Riwaayad Warkeeda Laga Sii Dharagsan-yahay .. Warki Ugu Dambeeyey Iyo Afar-Qaadka Farmaajo

Saturday - January 9, 2021



Maanta Raysal wasaaraha Soomaaliya Mr Rooble ayaa ku dhawaaqay in doorashaddii la gelayo iyadoo aan cid dambe la sugaynin , kulankaas uu ka hadlayna waxaa joogey 3-Maamul goboleed oo kala ah Jowhar , Dhuusamareeb iyo Baydhaba iyo waliba Duqa Xamar Mr. Cumar Finish , waxaana qorshahaa ka maqan labada maamul goboleed ee Kismaayo iyo Garoowe iyo xubnaha musharaxiinta oo iyagana laga tashaday.

Sida muuqata Maxamed Farmaajo iyo kooxdaas dilaalint ah ee magaca beelahooda wax ku cuna, balse weliba dhibaatada ku haya oo wax ay ku soo kordhiyaan aan la arag oon la maqal ayaa si aan xishood lahayen ku dhawaaqay qabasho doorasho aan heshiis lagu ahayen, taaso xaalkooda isugu biyo shubtay maah-maahdi ahayed: Nin qoyani biyo iskama dhawro. 

Waxaa la sheegaya in Farmaajo u ugu dambayn ka heley taageero wadanka Turkigga oo aan horre go'aan u gaarin , qorshihiisuna waa in uu doorashadan gar iyo gardaraba ku helaa waliba gorgortan la'aan .. Ajandaha Farmaajo u diyaarsan inu ku meel mariyo doorasha waa Sadex Qodob: Cuduud Milatari oo lagu jajuubo doorashada laguna meel mariyo .. Maaliyad dhaqaale ka iimaaneysa canshuuro cusub, shirkado batrool iyo deeqo shisheeye iyo Ugu ddambeyn isagoo raba inu adeegsado beesha Habar-gidir oo ay horseed ka yihiin Mr. Roble Iyo Qor-Qoor.

Dhinaca kale, Dhaawaca iyo sumcad xumada ka dhasha doorashadaasna Mr Farmaajo waxaa uga meel yaala in uu ku xaliyo laba qodob oo kala ah: In marka doorashaddu dhacdo uu ka guuro Habar-gidir isla markaana magacaabo Raiisal wasaare Abgaal ah , ka dib marka ay kala dhintaan Habar-gidir iyo Abgaal, wuxuu kalo qaban qaabin-doona Ergo Daarood, oo ay hormood u yihiin odayaal iyo masuuliyiintii ka soo jeeda Daarood oo isu soo lad-qabeeya Jubaland iyo Puntland taasoo la dhaho Tol Waa Tolane .

Musharixiinta ilaa iminka taagan waxaa ugu saamayn badan 2 musharax oo kala ah, Xasan Cali khayre oo taageero ka haysta Kambaniyo patrolka ah oo taxan Norway ilaa Ruushka, sidoo kale wuxuu taageero ka haystaa Madaxwaynaha Jabuuti, waxaa isagana kaalintaa soo raaca wasiir hore Daahir Geelle .. Musharixiinta kale ee cad-cad ee  kala ah, Sheekh shariif , C/raxmaan C/shakuur iyo Sheekh shariif ayaa u muuqda kuwo aan ku midaysnayn qorshe isu tanaasula aan ilaa hadeer muujinin. walow la yiri waxay ku heshiiyeen in kii cod bata inta kale ugu shubo

Si kastaba ha ahaatee, Qorshaha maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waa mid ay bulshada ku khaawisiayaan, balse nafsadooda ku qanciyeen in waxa ay rabaan sameyn-karaan, laakiin waxay meesha ka saareen in kuwi sidaa u dhaqmi jiray halkey ku dambeyeen oo intee baynu u soo joognay.