Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Fadarowdey Nabadi Ameerika .. Jeneraalka Milatariga Mareykanka U Sareya Oo Heegan Galiyey Falfalosta Hayadaha Amniga

Wednesday - January 13, 2021


Washington-Jeneraalka ugu sareeya ciidanka  Maraykanka Mark Milley iyo dhamaan Taliyayaasha kala duwan ee ciidamadda iy, hay’addaha amniga ayaa wada-jir usoo saaray bayaan ay kaga hadlayaan xaaladda uu galay dalka Maraykanku ee xilligan.

Jeneraalka ugu sareeya iyo dhamaan madaxyada laan-kasta oo millateri, waxay soo saareen bayaan ay Talaasadii ku cambaaraynayaan duulaankii rabshadaha watay ee ka dhacay Capitol-ka 6 jan 2021, iyagoo ka digaya cabsida laga qabo in Madaxweynaha weli xilka sii haya ee Trump uu qalalaase abuuro mar kale ka hor inta aan la gaarin munaasibada 20 Jan 2021.

Saraakiisha ayaa ugu baaqay xubnaha adeegga iyo laamaha amaanka inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan taageerada iyo difaaca dastuurka oo ay diidaan waxay ku tilmaameen xag-jirnimada.

“Waxaan aragnay ficillo ka dhacay gudaha dhismaha Capitol oo aan waafaqsanayn sharciga. Xuquuqda xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka, dastuurku  qofna xaq uma siinayo inuu adeegsado rabshado, kacdoon iyo qalalaase,” ayay ku yidhaahdeen bayaankaa oo laga sii daayay Telefishanka CNN.

Bayaanka, ayaa loo fasirtay inuu yahay talaabo muhiim ah, sababtoo ah madaxdu waxay raadinayaan meel kasta oo ay suurtagal tahay si looga fogaado qaadashada mowqifyada laga yaabo inay leeyihiin dulucda siyaasadeed,  Laakiin marka la eego wixii dhacay, madaxdu waxay dareemeen inay muhiim tahay in la sameeyo bayaan marka loo eego culeyska dhacdooyinka ku xeeran caleema-saarka munaasibada loo qorsheeyay 20 Jan 2021.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay bayaanka inuu tixraacayo, ama ka duulayo shahaadada doorashada ee Kongreska Maraykanku siiyay Biden, iyadoo lagu yidhi bayaanka, “Madaxweynaha la doortay Biden waa la caleemo saari doonaa wuxuuna noqon doonaa Taliyahaayaga guud ee 46-aad.”

Dhinaca kale, Bayaanka ayaa soo baxay kaddib markii Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo Donald Trump uu wax fool xun ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Kongres-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.ka hor 20 Jan 2021 .. Hase yeeshee Trump, ayaa ka digay in arrintaasi ay sababi karto caro aad u xoog badan oo ay khal-khal geliso xaaladda dalka.