Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Onkod Iyo Hilaaca Xareed Baa Ka Dambeysa .. Lafta gareen Oo Si Cad U Diiday Sunta Ay Karkarineyso Villa Somaliya

Thursday - January 14, 2021




Baydhabo- Waxaa jira warar loo qaateena oo sheegaya in beesha caalamka ay ku khasabtay madaxweyne Lafta-Gareen inu ka laabto go'aanki u xukuumada Fedaraalka kula heshiiyey ee ahaa in ay doorashada iyagu sii bilaabaan iyadoon Puntland iyo Jubaland ka maqan-yihiin. 

Laakiin Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Konfur Galbeed ayaa si kale warka u soo gudbisay oo lagu sheegay in madaxweyne Cabdicasiis Laft-Gareen uu kulamo wada tashi ah la qaatay wax-garadka,iyo odayaasha degaanka kadibna uu garwsaday sharaxaadi ay ka bixiyeen arintaa la xariirta doorashada kadibna waa u soo dhaweeyey lana qaatay wax-garadka Konfur Galbeed.
 
Waxaa qoraalka lagu sheegay in odayaasha dhaqanka iyo Ururada bulshada koonfur Galbeed ayaa madaxweyne Lafta-Gareen hordhigeen codsi ah inu ka baxo ballanta u la galay Madaxweyne Farmaajo oo ahayed in ay doorashada ka bilaabaan konfurta iyadoo aan wax heshiisa wada jira laga gaarin .. Madaxweyne Lafta-Gareen wuu aqbalay codsigaas