Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Dhambaal Dhimbil Ah .. Gorgorkii Saydki Adoonsiga Necbaa Aakhiro Ugu Tabiya .. Dambarki Doorashada Farmaajo Oo Noqday Inu Si Hagar La'aan Ah Uga Barbar-Dagaalamo Gumeysigi Itoobiya

Monday - January 18, 2021




Warar u qaadan-waa anfariir ah tira badan ayaa ka soo baxaya dhalinyaradi laga hawl-galiyey dagaalka Tigreyga , waxaa lagu soo waramaya in dhalinyaradi tababarka milatari loo geeyey arlada Eritrea dhamaantood loo qaaday dagaalada ka socda dhinaca Tigreyga gaar ahaan magaalada Makala, halkaaso la sheegay in inti badneyd ay goobahaas ku dabar go'day.

Warku wuxuu sheegaya in dhallinyarada halkaas loo qaaday ay tiro ahaan gaarayeen illa 2500 oo da'duudu u dhaxeysay 15 jir illa 16 sano oo dhamaantood marki hore laga aruuriyey magalada Mogdisho iyo agagaarkeeda, waxaana warku intaa ku daraya in dhalinyaraadaas oo dhamaantood ku hubeysnaa qoryaha AK-47 ay dagaalka safka hore kaga jireen oo marki hore ay iyaga kaliya jabiyeen raci hore ee ciidamada Tigreyga, laakiin mar dambe oo ay soo rogaal celiyeen Tigreyga dabin ay dhigeen awgeed waxaa halkaas birta looga aslay dhallinyaradi aaga hore ka dagaalameysay.

Warka kalo la soo xigtay ayaa tilmaamaya in 400 oo ka mida dhallinyadaas dhaawacooda la keenay xero milatari oo ku taal xuduuda itoobiya iyo Eretreya halkaaso si qarsoodi ah lagu daaweynaayo, waloo la sheegay in aysan haysan dawo fiican iyo xanaaneyn intaba, balse ilaah baa ciidanshe cidna uma maqna oo waxayba khatar u yihiin in dhaawacooda la sii dhibtiro si aan war uga bixin .. waxaa la tabiyey in wiil mar la soo hadlay waalidkiis si toosa loo khaarijiyey 

Arintaan oo ah mid xanuun badan oo murugo iyo cules badan leh waa khiyaamo qaran oo waxaa maanta illa shalay ka qaylinaayey bulshada Somaliyeed iyo waliba gaar ahaan hooyooyinka, taaso keentay in shacabka oo meel-kastaba joogta ay ka murugooto oo laga yaababa iney keento kacdoon cusub oo dalka ka curta.  

Waxaa Madaxda Dowladda Federaalka loogu baaqay inay arrintani caddeymo cad ka bixiyaan ayna uga dhuuman sidii arrimihii hore, una jawaabaan waalidka caruurtoodii maqan tahay oo ay dadka Soomaaliyeed-na ka qanciyaan sida ay wax u dhaceen iyo xaalka askartaas.