Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Waa Qaran Jab Iyo Wixii Waxaa Dhigay .. Tahriibayaal Somali Oo Lagu Daadiyey Doon Ay Ka Raaceen Turkiga

Wednesday - January 20, 2021



Giriigga - Booliska dekedda jasiiradda Giriigga ee Lesvos ee ku taal badda Aegean, ayaa soo badbaadiyay 27 Qof oo muhaajiriin ah kadib markii doontii ay kaga yimaadeen Turkiga laga daadiyay.

Midka mid ah muhaajiriinta ayaa dhintay markii doon ka timid Turkiga ay ku daadisay koox ka kooban 27 qof xeebta fog ee jasiiradda Lesvos subaxnimadii hore ee Salaasadii Shalay .. Qofka dhintay waxaa la sheegay inuu ahaa qof Soomaali ah oo la sheegay inuu u geeriyooday qabowo daran awgii.

Muhaajiriinta oo badankoodu ay ahaayeen Soomaali ayaa kasoo shiraacday xeebaha Turkiga ka hor inta ayna tegin xeebaha bariga Lesvos, halkaas oo ay habeen hore ku hoydeen, sida uu sheegay sarkaal booliska dekedda.

Jasiiradaha Giriiga ee bariga Aegean Sea, oo ay ku jiraan Lesvos, waa mid ka mid ah marinada laga galo Yurub ee ay adeegsadaan dadka ka soo cararaya dagaallada iyo sabool-nimada ku haysata wadamadooda.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, xaalad qabow ayaa ka jirtay Lesvos habeenkii iyo aroortii hore ee Shalay .. Dhulka Soomaalida ee Dadku ka Tahriibaan waxa ka mid ah dhinaca Somaliland, Soomaaliya iyo deegaannada kale ee Soomaalida, kuwaasi oo mara marino badan.

Dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Turkiga, ayaa raadsanaya Fursado ay ku galaan Yurub, waxayna sii maraan badda u dhaxaysa Dalalka Turkiga iyo Giriigga, taasi oo halisteeda leh.