Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Soo Dhamaatay Khidadihi Laysarka Khiyaaliga Ahaa Ee Lagu Walaaqayey Villa Somaliya .. Muddo Xileedki Farmaajo Oo Ay Ka Hartay Maalmo Yar Iyo Cabsi Sii Kordheysa .. Allahayow Na Samata-Bixi

Friday - January 22, 2021



Wax ka yar 16- maalmood oo keliya, ayaa ka harsan muddo xilkeedka Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu sii dhamaanayo ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyada oo aanay weli jirin saan-saan doorasho loo dhan yahay oo wakhti la isu raacsan yahay loo cayimay.

Waxa sii kordhaya cadaadiska saaran Madaxweyne Farmaajo, madaama oo si weyn looga biyo diidsan yahay guddi doorasho oo ay xukuumaddiisu magacowday, kuwaas oo Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyadu ka soo horjeesteen.

Dadka Siyaasadda falan-qeeya, ayaa sheegaya in maalin kasta oo loo sii dhawaado dhammaadka muddo xilkeedka Farmaajo in ay jirto cabsi laga qabto in qalalaase Siyaasaddeed oo amniga iyo kala dambaynta waxyeelo ku keena oo ka dhasha banaanaan dhinaca Xilka madaxweynimo ah, madaama oo 17 maalmood ay ka harsan tahay muddo xilkiisa.

Dhinaca kale, Wakiilada beesha caalamka ayaa maalmihii ugu danbeeyayba kulamo gaar gaar ah oo dhinaca Internet ah waxaa ay la lahaayeen qaar ka mid ah madaxweynayaasha dawlad gobolleedyada oo ay ka wada hadleen arrimaha is-mariwaaga doorashada iyo waliba sidii xal kama danbeys ah looga gaari lahaa khilaafka jira .. isla markaa xubnaha beesha caalamka ayaa arintan doorashada kala hadlay madaxweynayaasha dawlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu ka biyo-diidan hanaanka ay dowladda federaalka u maamuleyso doorashada.