Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Warba Waa Kan Dambe .. Wakiilada Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Farmajo U Sheegay Inu 36 Saacadood Ku Qabto Kulan Dhex-Mara Dawlada Fedaraalka Iyo Maamul Gobola

Saturday - January 30, 2021



Warar diplomasi oo ka soo baxay kulanki maanta xarunta Viila Somaliya ku dhex-maray madaxweyne maxamed cabdulaahi farmajo iyo wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Mogdisho ayaa tibaaxay in madaxweyne Farmajo loo sheegay in muddo-36 saacadood gudahood u kaga qayb galo kulanki ay dalbadeen Jubaland iyo Puntland ee xalka loogu raaddinaayo arimaha cakiran ee doorashada dalka.

Dhinaca kale madaxweyne Farmajo ayaa shirkaas beesha caalamka ka dib isugu yeeray madaxda gobolada dalka ay ku jirto gobolka Banadir, shirkaas oo lagu qabanaayo caasimada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud .. Shirkaas oo lagu sheegay wadatashi wuxuu bilaabanaya biisha feberayo 1-da illa 3-da ee sanadkaan 2001

Madaxda Somalida oo ugu horeeyo Madaxweyne Farmajo ayaa lagu xantaa in ay u nugul-yihiin oo dhagahooda kaliya ay maqlaan cadaadiska beesha caalamka, halka la rabay iney somali dhexdooda ka heshiyaan.