Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hirka Dhiiga Muuqda .. Taiwan Waagi Dilaacaba Waxay Sanka Ka Shuq-shuqeyneysa China Iyo Jeyshki Casa Ee China Oo Duulaan U Guntaday

Monday - Feb 1, 2021



Dowlada China ayaa sheegtay in maamulka Taiwan haduu ku dhawaaqo madax-banaani rasmi ah ay la micno noqon-doonto ku dhawaaqid dagaal ka dhan ah China ayna tilaabo ka qaadi doonaan militarigooda.

Taiwan oo ah ismaamul gaar ah balse China ay weli u aqoonsan tahay Jasiiradaasi qeyb ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha .. magaca maamulka Taiwan ee rasmiga ah ayaa weli ah Republic of China, waxaana aasaasay maamulka Taiwan siyaasiyiintii ka baxsaday maamulkii shuuciga ahaa ee la wareegay dowlada China wax yar kadib dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunnida.

Militariga China waxay diyaar u yihiin inay jawaab cad ka bixiyaan daan daansiga iyo farogelinta shisheeye .. Madax-banaanida Taiwan ku dhawaaqdo ama aqoonsi la siiyo waxay lamid noqon doontaa dagaal militari oo lagu soo qaaday wadanka China .. Ciidamada Taiwan ee doonaya inay dab ku ciyaaraan iyaga ayaa ku guban doona Sidaa waxaa yiri: WU QIAN, oo ah afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga China 

China ayaa dar dar gelisay dhaq dhaqaaqa militari oo ay ka wado biyaha jasiirada Taiwan oo ay maalmihii la soo dhaafay u direysay maraakiib dagaal iyo diyaaradaha wax duqeeya, arrintan oo ay walaac ka muujisay dowlada Maraykanka oo xulafo la ah maamulka dimuquraadiga ah ee ka jira Taiwan.

Hadalada ka soo baxay China ayaa lagu soo beegay xili Maraykanka uu Taiwan u soo diray maraakiibta dagaalka oo tababaro iyo dhoolatus la sameyn doona ciidamada Taiwan.