Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Galdogob Times War Baa Ku Dhan .. Xogti Ugu Dambeysay Shirka Gudiyada Farsamada Uga Socda Gogosha Taal Baydhabo

Tuesday - Feb 16, 2021



Shirka gudiyada Farsamada ee dawlada Fedaraalka iyo maamul goboleedyada uga socda halka ay gogoshu taalo ee baydhabo ayaa hadda galay jawi xasaasi ah oo ku saabsan qodobada hor taagan heshiiski 17 Septembar oo qoloba si u aragto.
 
Maanta waxaa la isla soo qaaday arimaha gobolka Gedo balse gudiga ka socda dawlada Fedaraalka waxay muujiyeen iney weli meeshoodi taagan-yihiin, waxayna ku adkeysanayaan in aan gobolka lagu soo celin Jubaland ila doorashadu ka dhamaaneyso, laakiin waxay soo jeediyeen qodobo dhawra oo u saamaxaya jubaland in saameeyen aan saas u weyneyn ay ku yeelato maamulida doorashada ee gobolka.

Jubaland weli waa ka biyo diidan-yihiin qodobadaas oo idil, waxayna soo jeediyeen in dhamaan maamulada goboleedyada ay si siman u maamulaan degaanadooda .. mid ka mida gudiga ka socda jubaland ayaa yiri; Gedo haddi xukumada dhexe maamuleyso Caabud-waaqna maxa diiday iney ka soo goyso Galmudug .. Gees u kala jeed waa jira oo qoloba qolada kale ayey rabta in ay kaarka u rogto  

Sida Muuqata weli buuq ayaa ka taagan arinta gobolka Gedo waxay maamulada qaar soo jeediyeen in wax laga badalo Qdobadi heshiiska 17 Desembar si xal loogu helo qodobada qaar, ma daama waqtigi doorashada gaaban-tahay, isla markaana dhaqaaluhu yar yahay waxaana la soo jeediyey in degaan doorashada halki heshiiskii 17 September ka oranahayey laba magaalo in lagu badalo in doorashadu ay ku dhacdo caasimada Maamul goboleedyada oo qura .. Guddiga qaar ayaa u riyaaqay soo jeedintaan iyagoo u arkay in ay xal u noqon-karto buuqa gobolka Gedo.

Guddiga ka socda dawlada Fedaraalka arinkaas si cad ayey u diideen waxaase si lama filaan ah u soo dhaweeyey soo jeedintaan guddiga ka socday Galmudug .. Sido kale waxaa iyadana la isku diidan yahay saamileyda Siyaasada sidii ay talada uga ay qayb ugu lahayen lahaayeen .. qodobkaas Puntland ayaa soo jeedisay in musharaxiinta ay qayb ka noqdaan shirka dambe .. arintaasna buuq ayaa weli ka taagan waxaana si cad u diidan dawlada Fedaraalka, waxaana ku raacsan Galmudug iyo Hirshabeelle

Dhamaan qodobadaan weli wada xaajood ayaa uga socda gudiyada, waxayna isku dayayaan in meel dhexe la isugu yimaado ila caawa iyo subaxnimada hore ee beri ah