Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Inkasto Aad Ku Nolaato Itaal Haddana Waa Hubaal Inaad Leedahay Maalin Ay Kaa Soo Dhamaatay .. Xasuusta Boqorki Ugu Dambeeyey Saldanadi Islamka "Mughal" Ee Ka Talin Jirtay Hindiya, Bakistan, Bangaladas

Thursday - March 4, 2021



Saldanadi "Mughal" waxa ay talin jirtay muddo 300 sano ka badan .. Boqor Zafarna waxa uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ka hor intii aanan xukunka laga tuurin sanadkii 1857-dii xiligaas oo hormuud ka noqday "Kacaankii Hindiya" ee Ingiriiska lagula dagaalamay, laakiin wax ka baddan muddo qarni ah waa la iska hilmaamay taariikhda iyo xusuustii boqorkii ugu dambeeyay ee saldanadii xooga badnayd ee Mughal taas oo ka talin jirtay dalalka Hindiya, Pakistan, Bangladesh, iyo Afghanistan.

Kadib marki la soo af jaray kacdoonki Hinduuga u hogaaminaayey Boqorka Zafarna, Isaga oo jeebeysan, xanuunsan ayuu ku dhintay magaalada Yangon ee dalka Myamar, halkaas oo gumeystihii Ingiriiska ay geeyeen isaga oo maxbuus ah. Waxa ay ahayd sanadkii 1862-dii.

Boqor Bahadur Zafarna waxaa lagu aasay meel u dhow goobta caanka ah ee lagu magacaabo Shwedagon Pagoda ee magaalada Yangon si qarsoodi ah .. Boqorku waxa uu si weyn ugu caan-baxay gabayada Afka Urduuga, waxaana lagu naaneesi jiray Zafar, gabayadaas oo illaa maanta la xafidsan-yahay, iskuulaadkana lagu dhigo meelaha qaar.

Dhimashadiisii kadib ayaa waxaa meesha ka baxay mid ka mid ah boqor-tooyooyinkii adduunka ugu weynaa, Balse xusuusta dadka waxa uu dib ugu soo laabtay sanadihii 1980-naadkii, xiligaas taxane taleefishin Hindiya ah uu soo baxay oo isaga laga matalay .. waddooyin ayaa sidoo kale loogu magac daray magaalooyinka Dehli iyo Karachi, halka magaalada Dhaka meel darjiin ah loogu magac daray.

Boqor "Safarna" waxa uu ahaa nin mucjiso ah, gabyaa caan ah, iyo hoggaamiye Muslim ah oo udub dhexaad u ahaa xiriirka wanaagsan ee dadka Hinduuga ah iyo Muslimiinta isla markaana wuxuu astaan dhab ah u ahaa ilbaxnimadda Islaamka si la mid ah awoowgiis boqor Akbar.

Qabrigi Boqor Zafar ayaa la helay sanadkii 1991-dii, kadib shaqaale dhismo oo dhulka qodayay oo soo faagay alaabihii tilmaanta boqorka ee lala duugay .. Qabriga ayaa kadib dib loo dayactiray, wuxuuna astaan u yahay mid ka mid ah taariikhihii layaabka lahaa ee soo mar soo maray Hindiya.

Waxaa meel u dhow laga sameeyay madxaf lagu kaydiyo xusuusta boqor Bahadur Shah Zafar, waxaana halkaas sanad kasta booqda dad badan oo muslimiin ah oo aad u ixtiraama boqorka oo sidoo kale ahaa wadaad diinta islaamka ah.

Boqor Zafarna, Waxaa laga yaabaa in uu lumiyay xilkiisii iyo boqor-tooyadii, balse waxa uu ku guuleystay in uu kasbado malaayiin dad ah quluubtooda iyo habka noloshooda oo wali saamayntiisa ay aad u muuqato.