Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waagi Hore .. Boqoradi Arraweelo Ee ku Caan Baxday: Ma Aqbali-karno Guumeysiga Iyo Adoonsiga Raga

Friday - March 4, 2016



Carroweelo amase Araweelo, waxaa la yiri waxey aheyd gabar caqli iyo garaad ku dhan-yahay oo ku han-weyneyd mar un iney rag quusiso arladana ka taliso, isla markaa aan ku qanacsaneyn kaalinta dumarku ku leeyihiin bulshada oo aheyd ilmaha iyo aqalka oo qura. Marka Ragu kaligiis shirayo ayey carro la dillaaci jirtey oo oran jirtey "Oo waataan hal qof oo dumar ahna shirka laga qeyb gelineyne bal eega"!

Maalintii danbe ayey soo fakartey xeel ay ku inqilaabto Raga taladana ay dumarku kula wareegaan. Dumarkii ayey aragtideedi kacaanimada aheyd ka dhaadhicisey, waxeyna tiri si aan u inqilaabno ragga oo dhimasho iyo burbur ugu geysano, waxaan maalinta inqilaabka ku mashquulineynaa carruurta. Haye iyo howraarsan ayaa lagu heshiiyey. Dumarkii raggii ayey u yimaadeen oo waxey ku yiraahdeen “ waxaan dooneynaa inaan sidiina oo kale anaguna shirno ee bal hal maalin ilmaha adinkuna haya” Raggii oon shirqoolka jira ka warqabin ayaa is yiri koleyba waa iska dumaroo mindhaa abaay-sitidoodi iyo hawlahoodi ayey qabsanayaane hal maalin wax idinma yeeleysee bal ilmaha haya.

Waa sidii lagu ballamaye Ragii oo ilmihii la daalaa dhacaya oo mid kastaa kaligiis gurigii ilmo ku haya ayaa inta loo tegey madaxa laga wada gurey oo laga daba qaaday heesti: shinbirayaw heesa-heesa, hees wanaagsan u qaada bulshada cusub  ..  Hal nin oo la oran jirey Odey Biiqe ayaa ka fakadey oo badbaadey iyo ubadkii yar yaraa iyo wixii uurka lagu sidey.
Waxaa arladi ku soo harey ilmo yar yar oo saqiirraa iyo kuwo caloosha lagu sido. Carroweelo oo laheyd iyadu taladaas raga lagu gumaadey ayaa loo caleemo saarey iney noqoto boqoradda dumarka. Waxaana lagu ballamey in rag danbe aan wax talaa laga dhegeysan. Si taasi u dhacdana in gebi-goodba la cirib tiro.
Carruurta yar yar iyo kuwa uurka lagu sido oo dhalan doonana in la dhufaano oo iyagoo korommo ah lagu shaqeysto ayaa lagu heshiiyey.
Sheekadu way dheertahey oo aakhirkii Odey Biiqagii fakadey ayaa gabar iyada Arroweelo ah dhashey intuu duurka ka helo guursan-doona iyadoon iyadu la socon. Sidaasna wiilkii iyada dili lahaa ayey gabadheedu ku qaadey, aakhirkiina isagaa dili doona Aarroweelo isagoo taariikhdii hore iyo sida wax u dhaceen aabbihiis Odey Biiqe ka helay, isla markaana siiyey tabtii uu boqoradda jinni uga takhallusi-lahaa. Sidaas ayeyna ku galbatey boqoraddii Carroweelo oo Ina Rag meel aysan ka fileyn ayuu uga soo baxey! oo markii wiilkii daauuski ahaa inta is galay ku shaashiyey waranka tartarada jaray oo dhulka dhigay yiri; nacasta rag bey is mooday. maanta necaw qabow iyo dabeyl nafac-leh timi. oday biiqna marku maqlay araweelo xabaalaha in la dhigay ayuu isna yiri; dadaal rag ha ka deeyrin oo niyad baan u ladayaa hurdada. arladina waxaa ka soo yeertay dhulku waa nabad
Carraweelo, waxaa la sheegaa in waqti ay xukumi jirtay dhulka eastern- centre oo ah dhulka Oromada iyo degaanka waqooyiga somaalida
kalmada Arraweelo sida ay sheegaan waxaa u ka koobantahay laba eray oo ah (carrao iyo weelo .. Carao micnaha waa dhulka .. Weelo waa degaamadi geeska afrika ay xukumi jirtay oo inta badan hada ah dhulka itoobiya khaasatan dhinac Oromada ilaa laga soo gaaro waqooyiga somaalida
Waxaa la tilmaama in ay awood ku qabsatay boqortooyadi Aksume oo dhishay boqorkii xukumaayey Boqor Haddaani, halkaaso illa afartan sano ay ku amartaag-leyneysay .. Somaalida qaar ayaa yiraahda dhag-dheer iyada ayey ahayd oo markay dhimatay loo qaaday Dhag-dheer dhimatay dhulki nabad.
waxaa kalo la sheegaa iney beel ahaan ka soo jeeday qabiilkaYibraha oo waa sababta ay yuhuuda iyo xabashada u tiraahdo aslkeeda waa Yahood.

hits Hits : 8849