Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

War Jug Soo Yiri .. Shirki Madaxda Somaliya Oo Sabtida Furmaaya

Wednesday - March 10, 2021


Shirka la filaayey iney isugu yimadaan madaxda Somaliya oo ay soo qaban-qaabiyeen Beesha Caalamka ayaa lagu wadey inu ugu dambeyn furmo maalinta khamiista ee 11-Maarrso balse dib ayuu uga dhacay maalmahaas .. Madaxweynaha Puntland oo lagu waday inu maanta yimaado ayaa ka baaqsaday safarkiisa, taaso keentay in shirka dib loo dhigo illa Sabtida, waxaana hadda la qorsheeyey inu shirku furmo maalinta Sabtida ee 13 Maarso. 

Hawlgalada ay wadaan ciidamada Puntland oo maal-mahaan ka dhan ah argagixisadu soo qaaday ayaa sababay inu madaxweyne Deni baaqdo .. Wara la hayo ayaa sheegaya in madaxweynahaas uu go'aansaday inu dib u dhigo safarkiisa mogdisho sababto ah sida la sheegay wuxuu ku guda jira barnaamijka lagu dhiiri-galinaayo ciidamada ka hawlgalaya Puntland oo illa jimcaha soconaaya.

Dhanka kale madaxweyne Jubaland Axmed Madoobe oo isagu shalay soo gaaray mogdisho ayaa kulomo hordhac la yeeshay ergeyga James Swan, sido kale la leh wada tashi musharaxiinta oo ay iyagu qayb ka ahayen shirka.