Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Midiyaha Waxaa Loo Sita Maant Yaad Qadine .. Saciid Deni Oo Lagu Soo Dhaweeyey Mogdisho

Saturday - March 13, 2021



Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu magaalada isaga soo hormariyey ciidamo aad u badan.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo u badan kuwa deegaanda Puntland iyo kuwa siyaasad ahaan diidan Farmaajo ayaa Saciid Deni kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa la dajiyey xeyndaabka garoonka Aadan Cadde waxaana ammaankiisa la wareegay ciidamo uu horey u watay oo magaalada kaga soo horeeyey iyo sidoo kale kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Inta uu Muqdisho joogo ayaa waxaa uu ka qeyb gali doona shir ku saabsan hanaanka doorashooyinka oo lagu waday in lagu soo afjaro khilaaf muddo dheer soo taagnaa.

Inta uusan Muqdisho imaan madadweyne Deni waxaa kasoo horeysay diyaarad siday ciidamo aad u hubeysan oo ka yimid Magaalada Garoowe kuwaas oo ku hubeysanaa hubka culus iyo kuwa Fudud.

Magaalada Muqdisho waxaa horey u joogay madaxweynayaasha Jubbland iyo Hirshabelle waxaana safar dalka Turkiga ah ku maqan madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo la filayo inay maalmaha soo socdo soo gaaraan Muqdisho.