Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Dhubuq-dhubuq Hore Dhaban-hays Dambe Bay Leedahay .. Safiirki Mareykanka Yamamoto Oo Shaki Galiyey Madaxtinimada Maxamed Farmajo

Monday - March 15, 2021



Warar cadeynaya in khilaaf ka dhex jiro beesha caalamka iyo Maxamed Farmaajo ayaa in doora dibada u soo baxay, warkaas oo lagu tilmaamayo in safiirka Mareykanka Yamamooto u hadal iyo dood la qaatay maxamed farmaajo .. waxaa la sheegay in safiirka u maal-mahaan saluugsanaa qaabka iyo xeeladaha uu Farmajo ka yahay macallinka ee u ku doonaayo in shirka Teenadha Xalane fashalmo.

Safiirka ayaa weydiiyey waxa ku kalifaya inu ka cataabo shirka ay qalqaalisay beesha caalamka oo ujeedadisu tahay in siyaasiyiinta somalida ay ku heshiyaan meel marinta doorasho heshiis lagu wada yahay .. Maxamed Farmajo ayaa safiirka ugu jawaabay: gari xaq ha noqoto oo marnaba raali ka noqon-karin shir lagu qabto meel ka baxsan Villa Somaliya oo usan ku sugneyn Madaxweynihi dalka sharciga ah, teeda kale ayuu yiri: Madaxda maamulada gobolada qaar k mida ayaa dhankooda diidan in shirka xalane lagu qabto

Safiirki oo la sheegay inu jawaab ka bixiyey hadalki ka soo yeeray Maxamed Farmajo ayaa yiri: Mr. Maxamed Farmajo beesha caalamka waxy ku aqoonsan-tahay in aad tahay madaxweyne waqtigiisi u ku dhamaatay 8 Febrewary ee sanadkaan oo hadda aad meesha ku joogto sharci-daro ee adigoo aan is ogeyn xaqiiqada ka fog fadlan si xun ha isula bixin oo jooji af-laboodka waalan iyo xaduuda sharci darada aad dacalka haysato ee aan gadmeyn .

Maxamed Farmaajo oo ereyga ka soo yeeray Safiirka ku tilmaamay mid asraar iyo been ah ka fog xaqiiqada oo yiri: aniga waxaan isu haysta inaan weli ahay madaxweyne illa madaxweyne kale laga soo dooranaayo .. Safiirka ayaa isna markale dhiniciisa hadalki qaatay oo yiri: Dastoorkiina waan akhriyey kumana jiro qodob tilmaamaya inaad si ahaato madaxweyne amase haddu waqtigiisu dhamaado meel dhahaysa waa sii joogi-kara .. Ugu dambeysti Safiir Yamamooto oo xanaaq il la dabaya, ayaa uga dhigay maxamed Farmajo kana dalbaday inu joojiyo duulaanka Mucaaradka iyo wax-yaabaha aan socon-karin ee car-qaladeynaaya shirka Teendhada ee ka fiirso intaadan boodin halka aad ku dhici-doonto, oo sidaas baan heshiis ku noqon-karnaa ayuu yiri safiirka .. Sharaab hadal kama dambeyn