Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Darajada Caqliga ILaah Baa Ninku Doono siiya .. Xikmadi Boqor Ing-Yuong

Friday - April 9, 2021



Boqor qarniyo hore ka talin jiray dalka China ayaa maalin soo iibsaday labo nin oo addoomo ah, mid ayaa aad u qurux badnaa midka kalena wuu fool xumaa. Kadib markii ay qasrigiisa yimaadeen ayuu kii quruxda badnaa u diray qubays. Intuu ku maqnaa ayuu ku jeestay kii foosha xumaa, kuna yiri: saaxiibkaa wuxuu ii sheegay inaad nin xun oo tuug ah tahay ee ma runbaa? Adoonkii ayaa ku jawaabay:

Boqorow, ninkaa saaxiibkay ah waa nin aad u qurux badan, u malayn-mayo inuu qalbigiisa madow yahay ee balse haddii uu xumaan igu sheegay laga yaabo inaan aniga xumahay. Asaga ayaa xun dhihi maayo ..  Kii qubayska ku maqnaa ayaa imaaday, kii foosha xumaa ayaana badalay oo qubeys aaday. Intuu maqnaa ayuu boqorkii yiri: Saaxiibkaa wuxuu ii sheegay inaad nin xun tahay, oo walina aad tuug tahay ee maxaa ka jiro? Ninkii ayaa hal qaylo ku dhuftay isaga oo caay ooda uga qaaday saaxiibkiis, kuna tilmaamay xumaan dhamanteed

Boqorkii ayaa ogaaday dabciga iyo akhlaaqda labada nin, gartayna qurux inay tahay mida qalbiga aysan ahayn mida muuqata. Markii kii foosha xumaa la waydiiyay inay run tahay inuu nin yahay maadaamo saaxiibkaas saas sheegay, wuu diiday inuu eedeeyo saaxiibkii, asaga ayaana xumaan isku tilmaamay. Balse markii kii qurux badnaa xuman laga sheegay, la waydiiyayna inay jirto xumaantaas, asaga oon hubsan ayuu eedayn dusha ka saaray saaxiibkii.

Boqorkii ayaa amaanay ninkii foosha xumaa, xoriyadna siiyay, halka kii kale laga caanantay, adoon-nimana lagu sii haayay .. Wanaag iyo qurux mida muuqato ama afka laga sheego midna ma aha.